SHirkada Facebook OO Aqbashay Dalab Uga Yimid Dawlada Turkiga OO Ku Qasabtay In la Xidho Page lagu Aflagaadeeyay Nebi Muxamed(c.s.w): | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SHirkada Facebook OO Aqbashay Dalab Uga Yimid Dawlada Turkiga OO Ku Qasabtay In la Xidho Page lagu Aflagaadeeyay Nebi Muxamed(c.s.w):
January 27, 2015 - Written by Editor:

facebook

BBC-da ayaa ogaatay in shirkadda Facebook ay ogolaatay go’aan ay maxkamad ku taalla dalka Turkiga ku dalbaday in shaqada laga joojiyo bog Facebook ah oo nabi Maxamed SCW u gefay.
Haddii shirkadda Facebook ay diidi lahayd dalabkaasi, maxkamadda waxa ay ku hanjabtay in shaqadooda Turkiga oo dhan la xayirayo.
Facebook ayaa la aaminsan yahay qiyaastoo 40 milyan oo qof oo dalka Turkiga ku nool.
Facebook waxa ay ka gaabsatay arrintaasi inay ka hadasho, balse waxa ay leedahay shuruuc in la joojiyo bogagga ku xadguba xeerarka dalalka.
Facebook ayaa dhowaan daabacday warbixin ku saabsan dalabaadka dowladaha caalamka uga imaanayo ee la xiriiri aqbaaraadka qofka isticmaalaha ah.
Warbixintii ugu dambeysay ayaa lagu sheegay in intii u dhexeysay bishii January illaa June, in 1,893 warar la mamnuucay laga sameeyay gudaha dalka Turkiga.
Xilligaasi, Turkiga waxa ay si kumeel gaar ah u joojiyeen howlaha Twitter iyo Youtube.

COMMENTS
LINKS