RW Sharmake oo soo Dhaweeyay Go’aankii Baarlamaanka Kana Hadlay Xukuumaddiisii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
RW Sharmake oo soo Dhaweeyay Go’aankii Baarlamaanka Kana Hadlay Xukuumaddiisii
January 17, 2015 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews)Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay xildhibaannada baarlamaanka ku aqbaleen codsigiisii kala dirista xukuumaddiisii, wuxuuna sheegay in isagoo qaddarinaya dareenka iyo shucuurta xildhibaannada iyo talooyinka guud ee kasoo gaaray qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed uu kala diray xukuumaddii hore.

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli oo saxaafadda la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aanka ra’iisul wasaaraha Somalia uu ku kala diray xukuumaddiisii, isagoona timaalmay inuu ahaa go’aan geesinimo leh oo ka turjumaysa danta Qaranka iyo xasillooni siyaasadeed.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuu go’aan-saday inuu dib-u-eegis ku sameeyo golihii wasiirrada ee uu soo magacaabay 12-kii bishan Janaayo 2015. Isagoo dareensan muhiimadda ay leedahay in tix-gelin gaar ah la siiyo afkaaraha kala duwan ee xildhibaannada uuna soo dhisi doono xukuumad hanan karta kalsoonida baarlamaanka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan tixgelin siiyay talada xildhibaannada ee ku aaddan golihii aan soo magacaabay, waxaan ku sameeyay dib-u-eegis go’aankii aan wasiirrada ku soo mgacaabay. Waxaan soo dhisayaa xukuumad aan wadatashi ballaaran kala sameeyn doono madaxda Qaranka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaan mudnaanta siinayaa danta guud ee Qaranka, waana midda kaliya ee lagu xaqiijin karo in dalka la gaariisyo hiigsiga 2016-ka,” ayuu yiri Sharma’arke.

Isagoo intaas ku daray. “Xukuumadda aan soo dhisi doono waa mid looga fadhiyo inay gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed adeegyada waxbarashada, caafimaadka, sugidda amniga, la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo xasilinta dhaqaalaha dalka. Waxaa shaqada sii wadaya golihii hore inta lasoo dhisayo xukuumad bedesha si howlihii socday aanay hakad u gelin.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sheegay inuu muddada 14-ka casho ah ee baarlamanku ay ka aqbaleen uu ku dhaqaaqi doonaa wada-tashiyada si loo dhiso xukuumad kasban karta taageerada iyo kalsoonida baarlamaanka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

 

COMMENTS
LINKS