Raysal Wasaaraha Somaliya oo ku Dhawaaqay Golaha Wasiiradiisa Iyo Maxamed Cumar Carte Oo Noqday Raysal Wasaare ku-xigeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaaraha Somaliya oo ku Dhawaaqay Golaha Wasiiradiisa Iyo Maxamed Cumar Carte Oo Noqday Raysal Wasaare ku-xigeen
January 12, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)-Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa saaka Aroortii hore ku dhawaaqay Xukuuadiisa Cusub oo muddo la sugayey, waxana ay noqotay midka mid ah Xukuumadihii ugu salka ballaadhnayd ee Somalia soo marta.

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa Warbaahinta u akhriyey Magacyada Wasiirro ka Kooban 25-Wasiir, kuwaas oo wata 25-koodii wasiir Ku xigeen iyo Tiro kale oo Wasiir dawlayaal ah.

Raysal wasaare sharmake

Xubnahan Golaha Wasiirada Somalia yaa waxaa ka dhex muuqda qaar ka mid ah wasiiradii Xukuumadii hore, waxaana intooda ugu badan ee wasiirada, wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha yihiin kuwo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Magacyada xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasaaradaha loo magacaabay waa sida ku cad shaxda hoos ku taal:

Magacyada Wasiirrada

Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen

Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Wasaaradda Caddaaladda

Axmadey Sh. Mukhtaar Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

Xuseen Cabdi Xalane Wasaaradda Maaliyadda

Maxamed Sh. Xasan Xaamud Wasaaradda Gaashaandhigga

Cabdirixman Ducaale Bayle Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga

Cabdullahi Maxamed Cali Wasaaradda Amniga Gudaha

Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasaaradda Waxbarashada

Yusuf Macalin Amiin Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Maxamud Cali Magan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga

Cabdiqadir Cabdi Xashi “Gaabane” Wasaaradda Arimaha Dastuurka

Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasaaradda Korontada iyo Biyaha

Mustaf Sh. Cali Dhuxulow Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska

Cabdullahi Sh. Ismaacil Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Maxamed Cumar Caymooy Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Cabdalla Boos Axmed Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

Xuseen Maxamed Sheekh “Badni” Wasaaradda Beeraha

Ducaale Aaden Maxamed Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada

Cabdiraxman Cabdi Cusmaan Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

Nadifo Maxamed Cusman Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

Khadiija Maxamed Diriye Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Maxamed Mukhtar Ibrahim Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

Daauud Maxamed Cumar Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

Abuukar Cabdi Cusman “Mardadi” Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

Saciid Xuseen Ciid Wasaaradda Caafimaadka

Magacyada Wasiiru Dawlayaasha

Cabdullahi Yusuf Alankey Wasaaradda Amniga Gudaha

Maxamuud Hayir Ibrahim Madaxtooyada

Khalid Cali Cumar Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

Maxamed Adan “Fargeti” Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga

Maxamed Cali Xagaa Wasaaradda Gaashaandhigga

Cabdullahi Maxamed Nuur Wasaaradda Maaliyadda

Xasan Maxamed Jimcaale Wasaaradda Arimaha Dastuurka

Burci Maxamed Xamza Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda

Caadil Sheegow Sagaar Xiriirka Baarlamaanka

Magacyada Wasiir Ku-xigeenada

Cabdullahi Bile Nur Wasaaradda Caddaaladda

Cabdiraxman Kulmiye Xirsi Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Saacid Xaji Maxamuud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

Fahma Axmed Nur Wasaaradda Maaliyadda

Cabdalla Xuseen Cali Wasaaradda Gaashaandhigga

Mahad Maxamed Salad Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga

Ibrahim Yarow Isaq Wasaaradda Amniga Gudaha

Xaamud Cali Xasan Wasaaradda Waxbarashada

Yusuf Xayle Jimcaale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Sharif Maxamed Xasan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga

Xaji Cali Sh. Maxamed Nur Wasaaradda Arimaha Dastuurka

Maxamed Kheyrow Maxamed Wasaaradda Korontada iyo Biyaha

Cabdullahi Colaad Rooble Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska

Xirsi Adan Rooble Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Maxamed Cumar Geedi Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Cabdishakur Cali Mire Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

Cabdirashid Maxamed Xiddig Wasaaradda Beeraha

Jamaal Xasan Ismaacil Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada

Sacdiya Careys Ciise Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

Cusman Libaax Ibrahim Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska.

Mumina Sh. Cumar Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Saciid Jamac Maxamed Qaalib Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

Maxamed Axmed Abtidoon Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

Cabdikarin Cige Guuleed Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

Dr. Cusman Maxamud Dufle Wasaaradda Caafimaadka

COMMENTS
LINKS