Qoysoow maxaad tahay?Nada Cumar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qoysoow maxaad tahay?Nada Cumar
January 24, 2015 - Written by Editor:

Dhallin Mida Wax kasta oo uu Alle abuuray waxa uu ka kooban yahay isu tagga Lab iyo dhaddig. Labka iyo dhadigga midina kama maarmo ka kale, mid waliba waxa uu ku tamariyaa tayo iyo tognaanna ku yeeshaa marka uu helo lammaane dhiggiisa ah oo la garta nolosha.

nada cumar

Haddaba isu tagga lammaanahaas ka kooban labada jinsi ee kala kaan ka ahi marka ay heshiiyaan kuna heshiiyaan wada noolaansho ayaa waxa ka dhex dhalata nolol, noloshaas oo ka duwan tii hore ee ay ku jireen markii horre ee ahayd kali kalida. Noloshaas cusub ee ay sameeyaan ayaa la yidhaa Qoys.

Waa nolol lagaga baxay waaxid oo looga gudbay wadar. Wadarta labadooduna waa carruuta ka farcami doonta, marka ay carruuuri ka farcantana waxa sii ballaadha qoyskii oo noqoda Qoys sugan.

COMMENTS
LINKS