Nuxurka Xogo Ku Saabsan Markabka Hubka Sida Ee Wali Ku Xayiran Dakada Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Xogo Ku Saabsan Markabka Hubka Sida Ee Wali Ku Xayiran Dakada Berbera.
January 29, 2015 - Written by Wariye:

berbera hubHargeysa(Wajaalenews):-Guddida Qaramada midoobay u qaabilsan Dabagalka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritria, ayaa la sheegay inay bookhdeen Markabka Hubka sida ee somaliland ku qabatay Dekedda Berbera Todobaadkii hore.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay imaatinka Berbera ee Guddida Qaramada midoobay, balse xogo uu socdaalkooda ka helay Wargeyska Jamhuuriya ayaa tilmaamaya in Guddida oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland fuuleen markabka islamarkaana guddidu indho-indhaysay hubka Markabka saaran.Guddida oo salaasaddii markabka bookhatay ayaa Masuuliyiinta ka qortay warbixin ku saabsan arrimaha markabkan.

Dhinaca kale wasiirka daakhiliga oo wakhti uu shalay shir jaraa’id kaga hadlayay Arrimaha amaanka Magaalooyinka wariyeyaashu waydiiiyeen hawlaha Markabku waxa uu si kooban u sheegay in wali Markabku xidhan yahay,islamarkaana laga dejin doono hubka dibna aan loo saari doonin.

Wasiir Warancadde ma sheegin inay jirto cid leh Hubka Markabka saarnaa oo la soo xidhiidhay balse xogo kale ayaa tilmaamaya in Dawladda Suudaan la soo xidhiidhay Xukumadda islamarkaana ku wargalisay inay Hubkaasi leedahay islamarkaana lagu waday Carwo dhanka hubka ah oo 22 ilaa 26-ka bishan ka dhacaysa Dubai.

Markabkan oo sida Hub ay ka mid yihiin Beebeeyo,Baabuurta qafilan ee ciidanka,Gaadiid aan xabbaddu karin,dooni kuwa dagaalka ah iyo noocyo kale ayaa si weyn Somaliland looga hadal hayaa,sidoo kalena warbaahinta Somaliland iyo warbaahinta Dubai iyo Yemen aad wax ugu qoreen arrimaha Markabkan.

 

 

 

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS