Mudane Ka Tirsan G,Deegaanka Hargeysa Oo Si Weyn Uga Soo Horjeestay Isbeddelada Wasiir Warancadde ku Sameeyey Waddooyinka Caasimadda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudane Ka Tirsan G,Deegaanka Hargeysa Oo Si Weyn Uga Soo Horjeestay Isbeddelada Wasiir Warancadde ku Sameeyey Waddooyinka Caasimadda.
January 15, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa:(Wajaalenews)Xasan Cali Xasan(xasan shahar) oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa si weyn uga soo horjeestay Tallaabada uu wasiir Warancadde ku beddelay Hannaankii waddo mariseed ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaankan oo maanta saxaafadda la Hadlay ayaa muujiyey fikirkiisa ka dhanka ah dhaqdhaqaaqyada wasiir warancadde, waxana uu soo jeediyey in wasiirku faraha ka qaado arrimaha uu ku dhex jiro oo uu ku sheegay Hawlihii Dawladda Hoose Loo           Igmaday.

“Masuuliyiintii Booliska ee hawshan ka shaqaynayay dhibaatooyin badan baa soo gaadhay,Burbur badan baa Caasimaddii ka dhacay, Dadweynihii way yaaban yihiin, waxay leeyihiin waa maxay waxan la samaynayaa?, maye Golihii degaanka ee aanu dooranay bay leeyihiin, Waar dastuurkii iyo qaranimadii miyaa la nacay Umaddu wax badan bay is weydiinaysaa” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Shahar oo ka hadlaya Isbedelka wadooyinka Hargeysa.

Xildhibaan Xasan Shahar waxa uu farriin u diray Wasiirka Arrimaha Gudaha “Caliyow Waxbadan baa laga xishoonayaaye inaad Xishooto way wanaagsan tahay.xilligan kala guurka ah hawshaas aad samaysayna waxaan ku odhan lahaa ma wanaagsana ee ka tanaasul, mana soconayso ee waa mid laab lakac ah oo aan qorsheheedii iyo Boodhkeedii iyo Wacyi galinteedii iyo wakhtigeedii midna aan helin”

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay inay hawshu qarbo-qarbo ku tilmaamatay “Shacbiga xaq miyaynu ugu leenahay intaynu qori la horjoogsano inaynu nidhaahno ha dhaqaaqina, Baabuurta ha soconina ee halkaas mara oo Qori uun lagu qabto” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa uu Wasiir Warancadde u soo jeediyay inaanu waxyeelayn hawlaha dawladda hoose iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda daakhiliga iyo dawladda hoose.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha degaanku yeeshaan fadhi aan caadi ahayn sabtida soo socota, kaasi oo ay ku caddeeyaan Mawqifkooda ku aadan wax ka bedelka Jidadka Caasimada.waxa kale oo maanta hadalkooda dib u dhigtay Xildhibaano Shirka jaraa’id kala qayb gali lahaa Xildhibaan Xasan Shahar. sidoo kale Xildhibaano hore uga hadlay arrintan ayaa wasiirka ku eedeeyay inuu shaqadiisa kaga mashquulay hawlaha dawladda hoose.

 

 

COMMENTS
LINKS