Mudaharaado Lagaga Soo Horjeeddo Awoodda Islaamka ee Sii Badanaysa Oo Ka Bilaabmay Dalka Jarmalka iyo Kuwo Lagu Taageerayo oo Ka Dhinac Socda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudaharaado Lagaga Soo Horjeeddo Awoodda Islaamka ee Sii Badanaysa Oo Ka Bilaabmay Dalka Jarmalka iyo Kuwo Lagu Taageerayo oo Ka Dhinac Socda
January 6, 2015 - Written by Editor:

Born:(Wajaalenews)-Inta Badan magaalooyinka Waaweyn ee Dalka Jarmalka, waxa Ka ALoosan Bannaan baxyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo Awoodda Islaamka ee kusii Badanaysa Waddamo badan oo kamid ah Qaaradda Yurub iyo Kuwo lagu taageerayo ayaa ka dhinac bilaambay.

Bannaabaxyada_Jarmalka_ka_socda

Bannaan-baxyadan ayaa ka bilaabmay magaalada Dresden, waxaana soo qaban qaabiyay urur cunsuri ah oo la baxay [Pegida], kaasoo dadweynaha Jarmalka ugu baaqayay inay ka qayb-qaataan mudaharaadyada looga soo horjeedo Islaamka iyo dadka magan-galyo doonka ah ee dalkaas soo gala.

Laakiin, waxaa hadda billowday bannaan-baxyo kale oo iyaguna looga soo horjeedo kooxdan lagu tilmaamay cunsuriyiinta iyo mudaharaadyadooda; kuwaasoo iyagana lagu tageerayo is-dhexgalka shacabka Jarmalka iyo in magan-galyo la siiyo muslimiinta, qaxootiga ah iyo dadka soo-galootiga ah.

Magaalada Cologne oo ah midd afraad ee dalka Jarmalka ugu weyn ayaa waxaa xalay ka dhacay dibadbax lagu taageerayo dadka muslimiinta ah iyo kuwa soo-galootiga ah, iyadoo shacabka ku nool magaaladaas ay si weyn u cambaareeyeen dhaq-dhaqaaqa ay wadaan dadka la baxay [Pegida] oo ay ku sheegeen kooxo cunsuriyiin ah oo doonaya inay iska hor-keenaan dadka dalka Jarmalka ku nool.

Dibadbaxa lagu taageerayo muslimiinta ayaa la sheegay inay ka dad badnaa kuwii hore kasoo qaybgaleen, waxayna dadka kasoo horjeeda cunsuriyiinta ay iyaguna la baxeen magaca ah KOGIDA.

Ugu dambeyn, haweeneyda ra’iisul wasaaraha ka ah dalka Jarmalka, Angela Marcel ayaa ku tilmaamtay kooxda Pagida ee cunsuriyiinta ah kuwo dadaal ugu jira sidii ay isaga horkeeni lahaayeen shacabka Jarmalka isla markaana ay uga abuuri lahaayeen dalkaas qalqal dhinaca amniga ah.

Si kastaba ha ahaatee, Marcel ayaa sheegtay in shacabka Jarmalka aanay taageeri doonin weligood koox cunsuriyiin ah oo doonaya inay fowdo ka abuuraan dalkooda.

COMMENTS
LINKS