Minka Guusha Iyo Muuqaalada Xeeladaha Siyaasadeed Ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani . Faalo Wariye Cabdiraxmaan Aadan . Q.4aad . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Minka Guusha Iyo Muuqaalada Xeeladaha Siyaasadeed Ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani . Faalo Wariye Cabdiraxmaan Aadan . Q.4aad .
January 21, 2015 - Written by Editor:

Minka Guusha Iyo Muuqaalada Xeeladaha Siyaasadeed Ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani . Faalo Wariye Cabdiraxmaan Aadan . Q.4aad .

 

Mab’da Hufan Maqaal Koobsadiyo Erayo Miisaaman 
Taariikh Mug Weyn Qoraa Daabacoo Masixin Sooyaalka 
Qoraal Muwaadinkii Dhab Ahi Maanka Galinaayo

Waa Mar Kale Iyo Qormadii Afraad Oo Aan Ku Bilaabay Maah-Maahda Soomaaliyeed Ee Odhanaysa Ragu Sadex Wey Ka Simanyihiin MAGTA , MAGACA Iyo MUUQA Wey Ka Simanyihiin . Soddona Way Ku Kala Duwanyihiin Waxaana Ka Mid Ah GARASHADA , GO’AANKA ,KARTIDA Iyo Qaar Kale Oo Badan .

Qormadan Afraad Waxaynu Si Saxa Bulshada Ugu Iftiimin Doonaa Maalmo Ku Suntan Sooyaalka Siyaasadeed Ee Gudoomiye Cirro , Waana Labadii Maalmood Ee Shirweynihii Koowaad Ee Ururku Waddani Socday .

Shirkaasi Oo Dibada U Soo Saaray Cadadka Lacageed Ee Kaalmadii Beesha Caalamku Ugu Deeqday Aqalka Golaha Wakiilada Ee Ku Dhacaysay Qasnada Gaarka Ah Ee Gudoomiye Cirro , Iyadoo Marag Cad Loo Soo Qaadan Karo Cududii Dhaqaale Ee Ururka Waddani Uu Ku Muquuniyay Axsaabtii Saaxada Siyaasada Uga Soo Horeeyay Ee 10-Jirsaday , Iyadoo Markii Koowaad Shir Weyne Urur Siyaasiya Si Toos Ah Looga Daawado Dunida Dacaladeeda .

Dhoola Tuskaa Ururka Waddani Ee Saaxada Siyaasada Ku Cusbaa Wuxuu U Quus Gooyay Qaar Ka Mida Ururadii Siyaasada Waxaase Xusid Mudan Inaanu Gudoomiye Cirro Wali Ka Tanaasulin In Uu Xididada U Saaro Xisbiga Ucid Ee Uu Hore Uga Tisanaa MAGAC , MAAL IYO MAAMUUS Distooriyana uu Ku Helay .

Waxaanu Ku Guulaystay In Seeska U Dhigo Urur Hogaankiisa Ugu Sareeyaa Ka Soo Jeedaan Beesha GARXAJIS , Ka Dib Markii Uu Godoomiye Ku-xigeenka Labaad U Magacaabay Ale Ha U Naxariistee Marxuum Cabdilaahi Siciid Dheere .

Sidoo Kale Shirweynihii Koowaad Ee Ururka Wadani Ee Ka Qabsomay Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeisa 08–09/04/2012 Wuxuu Dibada U Soo Saaray Xogo Dheeraada Oo Muujinaya In Uu Gudoomiye Cirro Ahaa Caqabada Ugu Weyn Ee Sababtay Guul Daradii Faysal Cali Waraabe Ka Soo Gaadhay Doorashadii Madaxtooyada Ee Qabsoontay Badhtamihii Sanadkii 2010 .

Iyadoo Shirweynihii Koowaad Ee Ururka Waddani Xubnihii Ugu Fir-fircoonaa Ee Shirkaa Hagayay Noqdeen Mas’uuliyiin Xili Xasaasiya Oo Doorasho Soo Dhawdahay Xil Muhiima Oo Ay Xisbiga Ucid Ka Hayeen hore Iskaga Casilay Sida Maxamed Xasan Baashe (TALAATOCODLE) ,Oo Xilkii Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Iska Casilay 02/05/2010kii Wakhtigaasi Oo Ay KA Hadhsanayd Wax Ka Yar Laba Bilood Doorashadii Madaxweynaha Ee Eng Faysal Cali Waraabe Ku Guul Daraystay .

Sidoo Kale Gudoomiye Cirro Wuxuu Shir-Weynihii Koowaad Ee Xisbiga Wadani Ka Akhriyay Liisaskii Xildhibaanada Golaha Wakiilada Iyo Golaha Guurtida Ee Ururkiisa Ka Mid Noqday , Waxaase Xusid Mudan In Xubnahaa Golaha Wakiilada Ee Ka Mid Noqday Ururka Waddani Ay Labaatan Bilood Ka Hor Ay Teegeeradooda La Garab Taagnaayeen Xisbiyadii Kulmiye Iyo Udub .

Akhriste Miyaanay Marag Cad Noqonayn Muuqaalada Xeeladaha Siyaasadeed Ee Gudoomiye Cirro Kula Socday Eng Faysal Cali Waraabe In Ay Ahayd (QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN) .

Sidoo Kale Waxaa Xusid Mudan Daneeyayaasha Geedi Socodka Dimuqraadiyada Ayaa Ku Tilmaamay Mid Astaan U Ah Kacaa Kufka Iyo Dimuqraadiyadii Oo Kubka Iyo Bawdada Ka Jabtay , Is Waafajinta Sharciyada ee Tilmamaysa In Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Xisbi Kale U Digo Rogan Karaan Urur-na Furan Karaan , Iyagoo Ku Tilmaamay (TIRO KINSI AH OO DHABAN LOO AQOONSADAY) .

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaa La Gaadhay Wakhtigii Hogaanka Ururka Waddani Cod Gacan Taag Ah Lagu Dooran Lahaa Waxaase Xusid Mudan In Marti Sharafta Iyo Ergooyinka Gobolada Ka Yimid Sumad Iyo Xeer Kala Soocayaaba Aanu Jirin , Iyadoo Hogaanka Ururkana Aan Midna Loo Tartamin .

Guntii Iyo Gabo-Gabadii Daadihiyihii Shirweynihii Koowaad Ee Xisbiga Waddani Wuxuu Sheegay Tirada Xubnaha Golaha Dhexe Ee Ururka Wadani Oo Uu Ku Sheegay 230 Xubnood Oo MARWO Iyo MUDANAYAAL Cid Ay Yihiin Aan La Aqoon Oo Magac Laawayaal Ah .

La Soco Qaybta Shanaad Ee Tan Xigta ….

Halkan Guji Oo Akhriso Qaybtii Hore (Qaybtii 3-aad) .

Faalo Wariye Cabdiraxmaan Aadan Muxumed
Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Fadlan Noogu Soo Hagaaji
Bade400@gmail.com Or +252-63-3559900

COMMENTS
LINKS