Michelle Obama oo la Hadal-Hayo In Iyadoo Timo-Qaawan ay Booqatay Sucuudiga oo ah Xarunta Caalamka islaamka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Michelle Obama oo la Hadal-Hayo In Iyadoo Timo-Qaawan ay Booqatay Sucuudiga oo ah Xarunta Caalamka islaamka
January 28, 2015 - Written by Editor:

MICHEAL OBAMA

Dooda culus, ayaa ka dhalatay Michele Obama oo tagtay Sucuudiga, iyadoo wehelisa madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama.

Markii la arkay Michele Obama iyo ninkeeda Barack Obama oo ka degay Riyadh oo madaxu u qaawan yahay, ayaa waxaa lays lahaa saxaafada ayaa aad u buunbuunin Carabta , garaahaan ta Bulshada ee twitter-ka.

Waxaa markiiba la sameeyay laba halku-dhag oo ahaa (#Michele Obama oo aan hagoognayn) iyo mid kale oo ahaa ( #Michele oo aan asturnayn), lakiin midna cid sidaasi ugama soo jawaabin, waayo waxaad moodaa inaan dad badaniba xiiso siinayn.

Lakiinse arrinka dad badan soo jiitay wuxuu ahaa fariinta twitterka ee odhanaysay (#boqor salman oo Obama ku yidhi , i sug horta aan tukadee), kaas oo ay kasoo jawabeen in ka badan 170,000 oo qof.

Dooda culus, ayaa ka dhalatay Michele Obama oo tagtay Sucuudiga, iyadoo wehlisa madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama.

Markii la arkay Michele Obama iyo ninkeeda Barack Obama oo ka degay Riyadh oo madaxu u qaawan yahay, ayaa waxaa lays lahaa saxaafada ayaa aad u buunbuunin Carabta , garaahaan ta Bulshada ee twitter-ka.

Waxaa markiiba la sameeyay laba halku-dhag oo ahaa (#Michele Obama oo aan hagoognayn) iyo mid kale oo ahaa ( #Michele oo aan asturnayn), lakiin midna cid sidaasi ugama soo jawaabin, waayo waxaad moodaa inaan dad badaniba xiiso siinayn.

Lakiinse arrinka dad badan soo jiitay wuxuu ahaa fariinta twitterka ee odhanaysay (#boqor salman oo Obama ku yidhi , i sug horta aan tukadee), kaas oo ay kasoo jawabeen in ka badan 170,000 oo qof.

Dad badana ayaa kaftan ka dhiganayey arrinta Michele Obama iyo hagoogteeda ama timaheeda Qaawan . Hore ayaa Riisul wasaaradda Jarmalku Angela Merkel oo timo qaawani sucuudiga u tagay.

Waxaa kaloo warbaahinta dalka Maraykanku ay hadda qorayaan, Michelle Obama, xubnaha boqortooyada Sacuudi Carabiya ma gacan qaadin. Taasoo sida cad la xiriirta diinta Islaamka oo dhiirigalisa in ragga iyo dumarka ajnabiga kala ah aysan sidaa yeelin. Balse, waxaa muuqata in tani muujinayso kala duwanaanshaha dhinaca dhaqanka ee Carabta ama Islaamka iyo reer galbeedka.

COMMENTS
LINKS