|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Racfaanka Oo Xayiraad Sharci Daro Ah Kula Dul Dhacday Wargeyska Hubaal Ee Maxkamada Gobolka Hargeysa Sifada Sharciga Ah Ku Sii Deysay
January 12, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews) Maxkamada racfaanka gobolka Maroodi-jeex ayaa xayiraad sharci daro oo aan geedna loogu soo gaban dib u saartay wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal oo kasoo baxa magaaladda Hargeysa kaas oo isla maalintii Shalay ay maxkamada Gobolku ka qaaday xayiiradii saarneyd wargeyska islamarkaana uu wargeysku bilaabay isla xalay hawshiisii,Maanta oo isniin ahaydna uu soo baxay daabicaadii u horeysay muddo laga joogo saddex iyo taban bilood oo uu wargeyska xayirnaa. Amarkan dambe ee maxkamada racfaanku dib ugu saartay xayiraada wargeyska Hubaal ayaa sharci daro aan geed loogu soo gaban ah islamarkaana ah tacadi iyo xaqdaro ummadu si toos ah u arkayso oo maxkamada racfaanku kula kacday wargeyska Hubaal iyadoo uu wargeysku mudda intaa le’eg u xayirnaa dacwad la’aan iyo kiis aanay maxkamad u hayn
Waxay ahayd 25-kii bishii sideedaad ee sanadkii ina dhaafay 2014 markii ay maxakamada gobolku ay xayiraadii saarneyd ka qaaday wargeyska Hubaal,waxaana saacado kadib sidan oo kale xayiiradii saarneyd dib ugu celisay maxkamada racfaanka
Halkan ka daallaco xayiraada sharci darada ah ee maxkamadu mar kale kula dul dhacday wargeyska Hubaal
Related posts:DAAWO;-Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal Oo Xaliyay Shaqaaqo Ka Taagnayd Dhul Dan Guud Ah Oo Ku Yaala M... Xasan Ciise Oo Ka Jawaabay Sababta Ay Uga Baaqdeen Xuska SNM, Kana Hadlay Arinta Muddo Kordhinta, Wa... Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Technologyada Somaliland Oo Soo Bandhigtay Qaabka Casriga ah ee Kaydinta... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|