Maxaad Kala Socotaa Horumarka Dhinacyadda Badan Ee Ka Socda Dalka Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Kala Socotaa Horumarka Dhinacyadda Badan Ee Ka Socda Dalka Jabuuti
January 2, 2015 - Written by Editor:

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa mudadda uu ka talinayay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxay ku talaabsatay horumar aad u weyn, Waaxyaabaha horumarka ah ee ay ku talaabsatay dawlada jabuuti ee la taaban karo waxa ka mid ah.

Dhinacyada Laydhka, Wadooyinka oo la balaadhiyey, Dekedaha oo la casriyeeyey,madaaradda diyaaradaha oo balaadhiyay lana casriyeeyay, dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka iyo Biyaha oo iyagna kor loo qaaday,isla markaana la tayeeyey, dhinaca Nabad galyada iyo Amaanka oo kor loo qaaday.

Sidoo kale waxa la balaadhiyey xaafadaha magaaladda Jabuuti waxaana la sameeyey degmooyin cusub maadaama oo ay dadku aad u soo bateen, Waxa kale oo kor loo qaaday shaqo abuurka oo la gaadhsiiyay heerkiisa boqolkiiba sagaashan.

Waxa kale oo ay xukumadda madaxweyne Geele samaysay wershadda dhagaxa wadooyinka lagu qurxiyo qorta taasi oo ay ka shaqeeyaan in ka badan 4000 kun oo qof, iyadoo arrintaasina wax weyn ka tartay shaqo la,aanta, isla markaana noqotay mid wax badan ka qabatay shaqo abuur dhalinyaradda.

Waxyaabaha kale ee ay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Mr Geele hirgelisay ka mid ah guri weyn oo casri ah oo loo dhisay baarlamaanka dalkaasi, kaasi oo ay maalgelintiisa ka caawisay dawladda Shiinaha iyo sidoo kale Garoon wayn oo loogu tala galay in lagu ciyaaro noocyada kala duwan ee kubadaha kaas oo ay maal galisay dawladda Sucuudigu loona bixiyey Fahad.

Sidoo kale waxa socda dhakhtar weyn oo casri ah oo aan weli xadhiga laga jarin kaasi oo ay maal galisay dawladda Suudaaan, Sidoo kale waxay dhistay dawladda Jabuuti Wadadii Tareenka iyo baabuurta oo is dulmaraya.

Waxa kale oo jira barnaamijyo qiimayn ah oo ay xukumadu ku darsayso xaaladda bulshadeeda si loo ogaado waxyaabaha qabsoomay iyo waxa dhiman, iyadoo   maalinba xaafad la kulmaysa. Waxa ay xukumada dalka jabuuti ka hirgalisay wadankeeda saddex Laydh oo kala ah Laydhka Dawladda iyo laydhka dalka Itoobiya iyo mid ku shaqaynaya systamka cad ceeda oo soolar ah

 

Dhanka kale waxa dalka jabuuti saldhigyo waaweyn oo milateri ku leh dawlado ay ka mid yihiin   Mareykanka, Faransiiska, Jabaanka, Shiinaha, Isbaanishka iyo Jarmalka, kuwaasi oo dhamaantood ka qayb qaata horumarka dalkaasi, iyadoo ciidamadda dawladahaasi ay dhaqaale soo geliyaan magaaladda.

La soco qaybaha dambe oo aynu ku soo qaadan doono arrimaha bulshadda ku dhaqan jabuuti

Axmed MM.C.77179711

Kobciye999@gmail.com

Axmed M.M.C

Tel.0659118408-0634699390

 

COMMENTS
LINKS