|
|||||
WAJAALE NEWS
maxaa Sobobay In Madaxwayne Siilaanyo Seexan Waayo Magaalada Borama ??
January 15, 2015 - Written by Editor:BORAMA(Wajaalenews) Bulshada somaliland ayaa gudo iyo dibad ay amakaag ku noqotay safarka madaxwayne siilaanyo oo u jeedidiisu ahaa in uu gobolka awdal u tago xalinta tabashada bulshada reer awdal oo mudaba isasoo taraysay sobobtayna in suldaan kamida madaxdhaqameedka gobolka awdal uu duurka galo isagoo ku an dacoonaya in xukuumada siilaanyo ka dhaga adaygtay tabashada dadka reer awdal ka tirsanayaan saamiga xukuumada sidaa daraadeed uu ku baaqayo in dadka dega awdal ka goostaan gabi ahaanba somaliand.dhawaan suldaan wabar ayaa dhawaaqiisu ahaa mid lidku ahaa guud ahaanba qaranimada somaliand. Hadaba madaxwayne siilaanyo o lafilayay in uu soo qanciyo tabashada awdal mudona looga diyaar garoobayay m agaalada borama ayaa maanta safar ugu kici timayay galbeedka somaliland socdaalka madaxwayne siilaanyo oo u bucdiisu ahayd magaalada borama sidii lafilayay ayaa iyadoo aan laga warqabin wax iska badalay ayaa madaxweynaha iyo waftigiisii ay kaliya kusoo warwareegeen degmooyin ku xeran borama kuwaasi oo wax mashaariica oo lataaban karana aanay ka fulin xukuumadu marka laga tago meel yaryar oo u muuqday dhalaan habaabis cay ku ahaa cagliga dadka gobolka Awdal. Warwareega waftiga siilaanyo oo ka bilowday arabsiyo .dilla, baki, wuxuu xili makhriba kusoo beegmay magaalada boorama oo xiligaa dadku ka quusteen waftiga madaxwayanaha iyadoo magaalada borama caawa arintani ka abuurtay xamaasad iyo iswaydiin badan ismarkaana abuurtay shiki siyasadeed Madaxwayne siilaanyo ayaa waxaa waftigiisu kakoobnaa badi xukuumadiisa iyadoo xataa ay lasocdeen dhamaan taliyayaashii ciidamada kala duwan 1;Taliyaha ciidan qaranka 2;taliyaha ciidanka booliska 3;taliyaha ciidanka asluubta iyo dhamaan hogaamada ciidamada somaliland Waftiga ayaa mudo yar kadib caawa usoo huleelay magaalada Togwajaale oo katirsan gobolka gabiley wali macada waxa madaxwayanaha iyo waftigiisa u diiday in uu u hoydo magaaladii uu u jeedada ulahaa. Dadka siyaasda odorasa ayaa waxay ku sifeeyeen in ay daaran tahay in aan siilaanyo diyaar u hayan in uu ka jawaabo tabashada reer awdal, takale xubnaha wasiiradiisa ah ee uu waxka maqlo ayaa waxa ay sheegeen in ay kula taliyeen amaan ahaan in aanu seexan boorama.
Dhanka kalena magaalada Gabileyna waxaa horyaala balamo badan oo uu marwalba ku afgobaadsado safarkayga danbe ayaan dhamaynayaa taasina ay sobobtay in uu caawa magaalada wajaale oo aan lahayn guri martiyeed islamrkaana kutaala xuduud uu ku dib jiro
WAJAALENEWS DESK BORAMA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|