|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaa ka jira in Dawladda Itoobiya Diidday soo-dhiibista Suldaan Wabar?
January 31, 2015 - Written by Editor:Hargeysa,(Wajaalenews)- Warar ay faafiyeen warbaahin fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa lagu sheegay in Dawladda Itoobiya ku gacan-saydhay codsi ay Somaliland ugu gudbisay inay ugu soo gacan-galiso Suldaan Abubar Wabar oo dhaq-dhaqaaqyo ammaanka Somaliland ka dhan ah ka wada xuduudka u dhexeeya labada waddan. War lagu daabacay Jariiradda Indian Ocean Newletter, ayaa lagu sheegay in dawladda Itoobiya ku gacan-saydhay dalab ay xukuumadda Somaliland ugu gudbisay in gacanta loo soo geliyo Suldaan Wabar oo ku sugan gudaha dalkaasi Itoobiya, iyada oo jariiraddu warkeedu ku xustay hadallo ay ka sii xigatay saraakiil ka tirsan dawladda Itoobiya oo arrintan ka hadlay. waxa warkan waxba kama jiraan aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig. Gen. Berhe Tesfaye oo wargeyska HIMILO xalay khadka telefoonka wax kaga weydiiyey jiritaanka arrintaas. “Ma jirto hadal ka soo baxay xukuumada Itoobiya oo ku saabsan diidmada soo dhiibitaanka Suldaan Wabar, ama masuul ka tirsan oo ka hadlay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Berhe Tesfaye. Suldaan Wabar oo ka tirsan Madax-dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa hore u shaaciyey inuu bilaabayo dhaq-dhaqaaqyo hubaysan oo ka dhan Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay xoreynayaan gobollada Awdal iyo Selal oo uu ku dooday inuu ka goynayo Somaliland inteeda kale. Waxaanu ilaa wakhtigaas ku dhuumaalaysanayey deegaannada xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. xigasho himilo Related posts:Wasiirka Daakhiliga oo Baadhaya Fadeexadii Maamulka Gabiley Kula Kaceen Wasiirka Ganacsiga Somalilan... Maamulka Jaamacada Timacade Oo Udiiday Hoolka Jaamacada Ardayda Fasalka Afraad Ee Dugsiga Sare Qalax DAAWO; Hambalyada Sannadka Cusub Iyo Wacdarihii Fanaaniinta Aamina Faarax, Shay mire & Daahir yare' COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|