Mas’uuliyiinta HUBAAL Oo Ka Hadlay Xayiraada Laga Qaaday Wargayska Una Mahad Naqay Qareenka Difaacayay Kiiskooda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mas’uuliyiinta HUBAAL Oo Ka Hadlay Xayiraada Laga Qaaday Wargayska Una Mahad Naqay Qareenka Difaacayay Kiiskooda.
January 11, 2015 - Written by Editor:

Garyaqaan Sacad Maxamuud Yaasiin waxa uu U Dhabar Adaygay Ka Midho dhalinta Kiiska HUBAAL

Masuuliyiinta Wargeyska HUBAAL ayaa Qalbi furan ku soo dhaweeyey xayiraad ka qaadista xaruntooda iyo oodista dacwaddii lagu soo eedayay, iyaga oo ku tilmaamay inay samir iyo dulqaad badan ka dib ku guulaysteen inay dib u helaan xorriyadooda, kadib markii ay meesha ka baxday eedihii loo haystay muddada 13 bilood ah. Guddoomiyaha Wargeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac Calooley oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in dhibaato kasta oo soo gaadhayba uu haatan sharcigu hoosta ka xariiqay inaaya wax dembi ah lahayn, isla markaana ay ku faraxsan yihiin inay dib u helaan xorriyadooda iyo adeegii ay bulshada iyo qarankababa u hayeen.

Tan iyo markii Xayiraad la saaray wargeyska HUBAAL 13-kii bishii 12aad ee sanadkii 2013-kii ilaa iyo waqtigii kiiska eedayntiisu gashay Garsoorka waxa jiray shakhsiyaad aan ka nasan daba-galka kiiskan iyo doodiisa sharcbiga, oo geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii ay HUBAAL gar sharci u heli lahayd.

Garyaqaan Sacad Maxamuud Yaasiin, waxa uu ka mid yahay ururka Qareennada ee SOLLA. Si kale haddii aan u dhigo Waa Qareenka Gaarka ah eeWargeyska HUBAAL, ee qaybta ugu laxaadka leh ka qaatay guusha qaynuuniga ah ee xayiraada lagaga qaaday.

Garyaqaan Sacad waxa uu ku sifoobay hawl-karnimo iyo dhabar adayg, Muddada intaas leeg ee kiiska HUBAAL Sunsuurta ku jiray. Maraaxil duruufo huwan oo geedi socodka kiiskani soo maray waxa Garyaqaan Sacad taako-taako ayuu ula socday isaga oo caqabad kasta iyo Ciqaab kasta oo kiiska carqaladeeyba ku xalinaysa aragti sharci ku dhisan aakhirkiina guusha wuu dhaliyey. Bahda HUBAAL waxa ay u mahad naqayaan madaxda garsoorka oo uu Garyaqaan Sacad ka mid yahay, sidoo kalena waxa ay u mahad naqayaan Guddoomiyaha Maxakamada Gobolka Hargeysa Faysal Ismaaciil Cabdillaahi iyo Gar-sooraha gacanta ku hayay Kiiskan Xuseen MAxamed JAamac

COMMENTS
LINKS