Markab Hub Culusi Ku Raran yahay Oo Lagu Qabtay Berbera Iyo Su’aalo ka Dhashay Meesha uu ku Waday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Markab Hub Culusi Ku Raran yahay Oo Lagu Qabtay Berbera Iyo Su’aalo ka Dhashay Meesha uu ku Waday
January 24, 2015 - Written by Editor:

Berbera(Wajaalenews)-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Markab nooca Xamuulka qaada ah oo laga rogayey gaadiid ay leeyihiin Ganacsato reer Somaliland ahi, kaas oo si kedis ah loogu arkay Hub loo malaynayo in lagu soo dhexqariyey.

markab

Markabkan oo lagu magacaabo MV-Shakir ayaa markii laga rogay gaadiidkii uu u siday Somaliland, waxa xagiisa hoose laga helay hub isugu jira mid culus iyo ku fudud, kaas oo fajac ku abuuray Masuuliyiinta dekedda Berbera oo ilaa haatan ku mashquulsan sababta hubkaas loosoo saaray Hubkaas iyo meesha loo waday.

Hubka lagu qabtay ayaa kala ahaa Hal Beebee, Hal Kaare oo ka mid ah gaadiidka dagaalka iyo 10 Landcruiser oo ay ka buuxaan shixnado hub ahi.

Kabtankii Markabkaasi waday ayaa lagu soo waramayaa in xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu luuqado kala duwan kaga hadlay halka uu u siday markabkaasi.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa isagu xalayba booqday markabkaasi oo ku soo xidhay Dekeda Berbera.

Si dhab ah looma garanayo halka uu markabkaasi ku sii jeeday, hasayeeshee Kabtanka ayaa sheegay in markabkan uu u siday hubka Suudaan, Somalia iyo meelo kale, balse waxa uu hadda ku jiraa xabsiga.

Arrintan ayaa jaahwareer ku abuurtay Masuuliyiinta ammaanka ee Somaliland, waxana baadhitaanno kala duwan lagu hayaa Dhammaanba agabkii markaasi siday iyo ciddii wakiilka u ahayd oo su’aalo kala duwan la weydiinayo.

COMMENTS
LINKS