Maraykanka iyo Israel Oo Si Adag Uga Soo Horjeedsaday Codsi Madaxweynaha Falastiin Ku Doonayo Ka Mid Noqoshaha Maxakamadda Dambiyada Dagaalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka iyo Israel Oo Si Adag Uga Soo Horjeedsaday Codsi Madaxweynaha Falastiin Ku Doonayo Ka Mid Noqoshaha Maxakamadda Dambiyada Dagaalka.
January 1, 2015 - Written by Editor:

Qaza(Wajaalenews)-Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, ayaa Arbacadii Qalinka ku duugay Dhukumenti uu ku codsanayo in Falastiin Xubin ka noqoto Maxakamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka(ICC).arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalin uun ka dib markii uu guul daraystay qaraar Golaha amaanku cod u qaaday oo ku salaysnaa sidii Israel muddo kooban ugu afjari lahayd haysashada dhulka Falastiin, Maraykanka iyo Australia ayaa si xooggan u diiday Heshiiska.

maxamuud cabaas

Madaxweyne Cabbaas waxa kale oo uu saxeexay ilaa 20 Heshiisyo Caalamiya ah kuwaasi oo uu aqoonsaday. Ujeedada Cabbaas ayaa la xidhiidha sidii Israel loogu oogi lahaa dambiyo dagaal maadaama Maxakamaddu u garnaqdo wadamada Xubnaha ka ah.

Codsiga uu Mr Cabbaas Saxeexay waxaa loo gudbin doonaa Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Banki Moon oo la filayo inuu tixgaliyo Codsiga Falastiin.

Wadamada Maraykanka iyo Israel ayaa si xooggan uga soo horjeestay talaabada Falastiin qaaday “Israel waxay ka bixin doontaa jawaab, waxayna difaaci doontaa Ciidanka Israel oo ah kuwa ugu niyadda wanaagsan Aduunka” ayuu yidhi Ra’isal Wasaaraha Israel.

 

Benjamin Netanyahu, waxa uu sheegay in Dawladda Falastiin oo uu tilmaamay inay Ururada Xamaas iyo ISIL oo argagixiso ah ay xulufo la tahay ahayd inay ka baqato Maxakamadda Caalamiga ah ee Dagaalka, isagoo ku eedeeyay Falastiin inay tahay mid dagaalka iyo dambiyadu ka go’an yihiin oo faraha ay kula jirto.

Waxa uu wacad ku maray inay hor istaagi doonaan sidii ay u hor istaageen Qaraarkii Salaasada ee soo afjari lahaa haysashada Israel ee dhulka Falastiin.

Geesta kale Maraykanka waaxdiisa difaaca ayaa ku dooday inay si adag uga soo horjeedo Codsiga ka mid noqonshaha ICC islamarkaana ka digay inay in Falastiin laga aqbalo Codsigaasi.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS