|
|||||
WAJAALE NEWS
Magaalo Ku Taala Dalka Jarmalka oo SHaaca Ka Qaaday In Ay Doonayso Dad Soo Galooti Ah Oo Ay Siiso Magangelyo Iyo Guryo Aad U Qurux Badan
January 8, 2015 - Written by Editor:Germany-(W.N)- Iyada oo dalka Germany, uu la ciirciirayo tiradii ugu badnayd ee dadka soo-galooti ah oo magan-gelyo doonka ah oo dalkaa si xoog leh ugu soo qulqulaya, ayaa magaalo ku taala waqooyiga galbeed ee dalkaasi ay daboolka ka qaaday in ay aad ugu baahan tahay dad tiro badan oo soo-galooti ah oo ay magan-gelyo deganaansho ah siiso magaaladaasi, sidaana waxa ku dhawaaqay Maayarka Magaaladaas oo lagu magacaabo Oliver Junk. Maayarka magaaladaasi, waxa uu sheegay in fursadahan ay magaaladani u fidisay dadka soo galootiga ahi aanay ahayn mid ibna’aadamnimo, balse, ay tahay mid ay magaaladaasi ku doonayso in ay xal ugu hesho dhibaatooyin badan oo magaalada ka haysta dad yari baahsan. Duqa magaladani, waxa uu intaa ku daray in dadka qaxoontiga ah ee soo galootiga ah ee ay magaaladani u baahan tahay in la siin doono guryo aad u qurux badan oo ay dadkaasi degaan. “Waxaan u baahanahay in dadka soogalootiga ah in ay ka caawiyaan bulshada muwaadiniinta ah xaga dhaqaalaha iyo shaqada si aanu u helno Iskuullo, barkadaha lagu dabaasho, iyo kaabayaasha, taasina waa sababta aanu u doonayno dad soo galooti ah oo aad u badan, maadaama ay magaaladani noqotay cidla oo ay soo food saartay dad la’aan aad u baahsan” Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|