Madaxweyne Silaanyo Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Dalka Sweden Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Silaanyo Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Dalka Sweden Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland
January 10, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socda dalka Sweden, weftigaasi oo uu hogaaminaayo, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Magaalo madaxda Sweden ee Stockholms Mr. lars radh.

waftiga sweden 3 waftiga sweden 2

Madaxweynaha oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa weftiga ku soo dhaweeyey dalka ugana mahadnaqay imaatinka ay dalka Somaliland ku yimaadeen, isaga oo madaxweynuhu sheegay inay taasi u sahlayso inay indhahooda ku arkaan horumarka shacbiga iyo xukuumaduba ay ku talaabsadeen muddadii 23ka sano ahayd ee ay madaxbanaanidooda ugala soo noqdeen waddankii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Waxa madaxweynaha ku wehelinaayey kullankaasi Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade, wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maayarka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Mowliid Waris Cabdilaahi.

 

Ka dib markii shirku soo dhamaaday waxa warbixin saxaafada ka siiyey wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi, xoghayaha dawlada hoose ee sweden iyo sidoo kale guddoomiyaha jaaliyada Sweden ee Somaliland zakeriye Xasan wacays

 

COMMENTS
LINKS