Madaxweyne Silaanyo Oo Cafis U Fidiyey Laba Xildhibaan Oo Ka Tirsanaa Golaha Deegaanka Degmada Boorama | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Silaanyo Oo Cafis U Fidiyey Laba Xildhibaan Oo Ka Tirsanaa Golaha Deegaanka Degmada Boorama
January 14, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa cafis u fidiyey laba xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha deegaanka degmada boorama oo la kala yidhaah Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha oo ujeedadiisu ahayd cafiska labadan xildhibaan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;

 

Markuu Tixgeliyey: Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.

Wuxuu Go’aamiyey

In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.

 

COMMENTS
LINKS