Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaadhay Laascaanood | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaadhay Laascaanood
January 21, 2015 - Written by Editor:

Laascaanood(Wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland ayaa socdaal ku galaa bixiyay degaamo ka tirsan Gobolka Sool. Waxa uu bookhday Ciidamada qaranka ee jiido hore ee gambadha ku sugan.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray socdaalkiisa saaka waxa uu kulamo la yeeshay Bulshada Rayidka ah,Waxgaradka degaamada Sool iyo Ciidamada Qaranka ee Jiida bari.

SIILAANYO LASCANOD 2

Madaxweyne Siilaanyo waxaa uu gaadhay Magaalada Laascaanood oo si diiran loogu soo dhaweeyay sida uu sheegay Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha oo safarka la socda. Waxa uu Madaxweynuhu halkaasi kaga qayb galay munaasibad lagu soo dhaweynayay, iyadoo halkaasna Maamulka heer gobol iyo waxgaradku warbixin ka siiyeen arrimaha degaanka ee dhanka amaanka iyo baahiyaha bulshada.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa maalmihii u dambeeyay ku guda jiray Socdaal ka bilaamay Gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland, kadibna ka wareegay dhinaca Xudduudka Somaliland iyo Ethiopia. Madaxweynaha ayaa xalay u hoyday Burco islamarkaana saaka uga sii gudbay Laascaanood

 

COMMENTS
LINKS