Madaxweyne Hal Aan Tabayaa Jira? (qaybtii 3aad) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Hal Aan Tabayaa Jira? (qaybtii 3aad)
January 10, 2015 - Written by Editor:

Waa mar kale iyo qormadeenii taxanaha inoo ahayd.

Qormadeenan kooban maanta waxaynu ku dul istaagi doonaa laba qodob oo ah laba hawlood oo dhawaaqoogu wali taagan yahay.

Sida aad ka wada dharagsan tihiin akhristayaal waxa waaydan ugu dambeeyay geyiga nabada iyo daganaansha ee Somaliland ka taagnaa arrin ugub ah oo aan looga baran taas oo ah arrinta suldaan wabar sida aad ka wada war qabtaana suldaanku wuxuu jooga ama uu dhiilada iyo fidnada ka soo hurinayaa deegaanada xadka Somaliland la leedahay wadanka aynu daris wadaaga nahay ee itoobiya ,, waxa aynu ka war qabnaa in cilaaqaadka siyaasadeed ee ka dhexeeya labada wadan uu yahay mid ku dhisan iskaashiga nabada iyo daganaansha iyo sidii wixii mandaqada dhib u ku ah laysaga kaashan lahaa hadaba su,aasha is waydiinta leh waxa weeyi ma wax ayaa iskaashigii labada wadan iska badalay? Ma waxa jira wax aynaan ogayn oo laynaga qarinayo? Ma waxa jira gaabis labada dhinac ah oo xidhiidhkii ayaa hoos u dhacay?

Waxaan filayaa akhriste su,aalahaas iyo kuwo kale oo ka badan ayay maskaxdiinu is waydiinaysaa balse waxay jawaabtu tahay maynu maqal jawaabaha su,aalahaas iyo kuwa kale ee ka badan .

Mudane madaxweyne xidhiidhkii labada wadan maxaa iska badalay?

Suldaan wabar wuxuu dhaawac ku yahay meeqaamka iyo magaca qaranka aad gadhwadeenka ka tahay waxaana uu ku sugan yahay xuduuda wadanka aynu deriska nahay ee itoobiya ,, cilaaqaadka labada wadana wuxuu dhigayaa in la iska kaashado wixii dhib iyo khatar ku ah xasiloonida wadamda markaa hadiiba uu gudaha itoobiya ku jiro maxaa qaldan? Miyaanay madaxweyne marag kac u noqonayn inuu gaabis jiro madaama uu gudaha wadanka itoobiya suldaan wabar ku jiro.

Geesta kale waxa jira warsaxaafadeed aad wax ugu dhimayay qarnimada Somaliland oo ay dawlada Somaliya ka soo saartay arrinta macdan baadhida Somaliland waxaanaynu oganahay tan iyo intii wada hadalada labada wadan bilaabmeen in aanay ka soo bixin wax midho dhala oo labada dhinac u cunama waxa iyaduna taas wehelisa inay wixii lagu heshiiyaba si badheedha oo ula kac ah ay uga baydhaan dawlada somaliya .

Mudane madaxweyne wadahalada aad la furtay dawlada taagta daran ee soomaaliya wali waxa cuntamaa kama soo bixin waxaana meeqaan daro ah in adigoo ah madaxweyne shacabkiisu doorteen maalin walba wixii aad jidka dheer iyo safarka u gashay ee aad saxeexday waxba ka fuli waayaan waxa nusqaan ah in karaamadii qaranka maalin walba hoos loo dhigo ,, waxa waxaan hagaagsanayn ah in madalaha lagu wada hadlayo aad ka dhigtay meelo taabcan mabda wixii somaliya la isku odhan jiray .

Madaxweyne waxaad tahay oday ruug cadaa siyaasiya, waxaad tahay kii shalay dhiigiisa u huray ,, waxaad maanta joogtaa wakhtigii waayo aragnimadaada aad wax badan ugu tari lahayd dalkan iyo dadkan waxaan kuu soo jeedinayaa

Inaad dib u qiimayso xidhiidhka aynu wadamada deriska la leenahay isla markaana arrinta suldaan wabar aad kala xaajooto itoobiya sidii ay maqfikeega u cadayn lahayd

Madaxweye waxaan kuu soo jeedinayaa inaad dib u eegto wada hadalada soomaaliya aynu kula jirno isla markaana tallo wanaagsan oo tusmo ku dhisan laga wada qaato ,, dhinaca kale mudane madaxweyne waxaad dib u eegtaa wadamada dhexdhexaadinaya wada hadalda , waxaana lagama maarmaan ah in la helo cid daba gasha wixii lagu heshiiyay fulintooda.

Madaxweyne waxa qaranku u baahan yahay in la helo qorshe cad oo lagaga baxo habka saami qaybisaga ku salaysan beelaha si cadaalada ah.

 

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

 

Qalinkii : Liban Ismail Abdilahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
LINKS