|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Turkiga oo Soo Gaadhay jabtuuti Kulan La Yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele (Daawo Sawiro)
January 24, 2015 - Written by Editor:
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa aaskii Boqorka ka dib horey u sii watay safarkiisa uu ku marayay qaaradda Afrika, iyadoo la filayo in maanta wada hadalo yeeshaan Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Booqashada Erdogan ee uu ku marayo dalal badan oo Afrika ah ayaa ujeedkiisa yahay sidii uu u xoojin lahaa xidhiidhka dalalkaas iyo midka ganacsi, waxaana Turkiga heshiis ganacsi uu la geli doonaa Jabuuti. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa socdaalkiisa ku tegi doona magaalada Muqdisho maalinta berri oo Axad ah. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xadhiga kajaro mashaariic badan oo uu Turkiga ka hirgaliyay magaalada Muqdisho, Goobaha uu Madaxweynaha turkiga xadhiga ka jari doona ayaa kala ah Garoonka Diyaaradaha ee Aada Cadde iyo Isbitaalka Digfeer iyo goobo kale oo badan. Related posts:DAAWO:SIYAASI MAXAMED-MAARSHAAL OO KA HADLAY XAALADA DALKA, TA XISBIGA KULMIYE, TALLOOYIN WAX KU OOL... Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Axa... Xog Cusub Oo Iftiimisay Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Faracididood Kaga Badbaaday Isku Day Dil Xilig... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|