Madaxweynaha Turkiga Oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay”SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Turkiga Oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay”SAWIRO
January 25, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)-Madaxweynaha dalka Turkgia Recep Tayyip Erdoğan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdiho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda sare ee Soomaaliya.

madaxwaynaha turkiga 2madaxwaynaha turkiga 3madaxwaynaha turkiga 4

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga Xasan Sheekh Maxamuud iyo Recep Tayyip Erdoğan ayaa si wada jir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Somalia, waxaana kooxda baambeyga ugu garaaceen Muusikada ay u astaanta ah calanka Jamhuuriyadda Turkiga.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay xadhiga ka jaraan Terminal-ka cusub ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo Cisbitaalka digfeer oo lagu sameeyay dib u dhis iyo qalabeyn casri ah.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku sugan Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Guddoomiyaha gobolka benaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

“Madaxweyne kusoo dhawoow dalkaagii labaad, waxaana idin kaga mahad-celinaynaa mashaariicda ay ka fuliseen Somalia, kuwaasoo ah kuwo aanay shacabka Soomaaliyeed illaawi doonin,” Ayaa ka mid ahaa hadalka soo dhaweynta ah ee Xasan Sheekh

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixan doono wajiga labaad mashaariic horumarineed, maadaama wejigii koowaad la soo gabo gabeeyay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dhismaha Cisbitaalka Digfeer iyo qalabeyn, dhismaha Terminal-ka iyo tan waddooyinka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku guda jira Socdaalkiisa Bariga Africa, waxaanu hore u soo maray Wadamada Ethiopia iyo Jabuuti oo heshiisyo dhinaca horumarka iyo kobaca dhaqaalaha ah la saxeexday.

 

COMMENTS
LINKS