Madaxwayne Siilaanyo Oo Noqday Madaxweynaha Lixaad Ee Adduunka Ugu Mushaharka Badan (DARAASAD) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Noqday Madaxweynaha Lixaad Ee Adduunka Ugu Mushaharka Badan (DARAASAD)
January 16, 2015 - Written by Editor:

President Axmed Siilaanyo, Somaliland,(( SHL 68 Million )  $ 11,400 ;  President Shimon Peres, Israel, $10,000 ; Prime Minister Mario Rajoy, Spain  $ 8,800…”by: Hoodo Yusuf

Hargeysa(Wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa noqday hogaamiyaha lixaad ee ugu mushaharka badan madaxweyneyaasha Caalamka, waxaana ka sareeya oo qudha shan Afar Madaxweyne iyo Reysal-wasaaraha Ingiriiska.

Sidaasi waxa daaha ka rogtay daraasad cilmiyeysan oo isbar-bar dhig ku samaysay Mushaharka ay bil kasta u xaadiraan Hogaamiyeyaasha Caalamku, taasoo ay diyaarisay Aqoonyahan Hoodo Yuusuf oo wax ka qorta Arrimaha dhaqaalaha, kuna takhasustay  Cilmiga Dhaqaalaha.

HOODO 1

Daraasada ayaa sidoo kale Iftiimisay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ka mushahar badanyahay Madaxweyneyaal badan oo Caalamka caanka ah, sida Madaxweynaha Sambia, Madaxweynaha Ghana iyo xataa reysal-wasaaraha Hindiya iyo Madax kale.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland wuxuu ka mushahar badanyahay Madaxweynaha Shiinaha iyo madax kale oo miisaan ku leh dunida.

Waxaanay Aqoonyahan Hoodo Daraasaddeeda Ciwaan uga dhigtay  “ MUSHAHARKA MADAXWAYNE SIILAANYO  BARBAR-DHIG MUSHAHARKA   MADAXDA CAALAMKA “ INTERNTAIONAL LEADERS”

Waxaanay ku bilowday sidan:

Madaxda  Caalamka ( International Leaders ) , marka laga reebo,Boqoradda  Carabta , waxa  ugu mushaaro badan Prime Minster   Raila  Odinga  , Kenya. Wuxuu bilkasta u xaadira  $ 36,000. Sanadkii 2014,    baarlamaanka Kenya  wuxuu kor u qaaday mushaharkiisa, ayaguna waxay ku darsadeen   25 %.  President Obama, wuxuu bishii qaata  U$ 33,000.  Prime Minister David Cameroon, UK,   US 19,900. President  Holande, France, $ 14,900 ; President Axmed Siilaanyo, Somaliland,(( SHL 68 Million )  $ 11,400 ;  President Shimon Peres, Israel, $10,000 ; Prime Minister Mario Rajoy, Spain  $ 8,800;  Vice President Abdirahman Saylici    (( SHL 49 Million )) $ 8,100; President Xi Ji ng Ping , China $ 3,300; President Mukherjee, India $ 2,500. ; President Robert Mugabe , Zambia $ 1,500.

Madaxweynaha caalamka ugu faqiirsan “ The poorest President in the world” waxa lagu tilmaama President Jose Mujica, Uruuguay, latin America. Hantideesa gaarahaaneed  “ Personal networth” waxa lagu qiyaasay $ 1,100 ( Kun iyo Boqol )). Mushaharka uu qaato wuxuu 90%  sadaqad u siiya cisbitaaladda ,  xarumaha agoonta iyo dadka jilicsan.

Hadaba Markii aan  baadhis ku sameeyay mushaharka “ World leaders”, waxa ii soo baxday inuu  Madaxwayne  Siilayanyo   ka mushahar badanyahay 78  Hoggamiye   oo ka  mid ah Madaxda caalamka . Sida ku cad  budgetka  2015,  wu xuu bishii qaata  ShL  68  Million $ 11,400 . Madaxwayne Ku-xigeenku wuxuu qaata  $ 8,100.    Hadaba aniga oo aan halkan  kusoo  wada koobi karin liiska madaxda  ay  ka mushahaaro badan yaheen, waxa ka mid ah  hogaamiyaasha  dalalka   : China,  India, Spain, Israel, Liberia, Mozambiqe , Zambia, Ghana, Namibia, Angola , Belarus , Slovenia , Columbia.

GUNAANAD:Madaxwyne Siilaanyo, oo haataan da’ jooga,   wuxuu khayrku ugu jiraa  in qadarka uu qaato sadaqo ahaan ugu yabooho    Agoonta , Derbi-jiifka iyo bukaan-jiifka. Waxii uu meel dhigtay iyo waxii uu hanti xaraashayba  dib ha ugu  usoo celiyo ummadda.  Madaxawayne  ku Xigeenku wuxuu muddo laba sano gudahood ah  ku dhistay , QASRI BOOLI QARAN ah. Khayrku wuxuu ugu jira , inaano qasri labaad oo BOOLI QARAN ah  ka  dul-dhisan  danyarta .Waxii uu dilaal uu qaatay  dib ha   ugu soo celiyo danyart. Waxa la yidhi mayd yaa ugu danbeeyay, iyo kaa lasii sido. Dilaalka Saylici  waxa ugu danbeeyay dilaalka  labada warshadood ee laydhka BERBERA  &  HARGEISA

xigasho: GNA

 

COMMENTS
LINKS