Madaxwaynaha Turkiga Oo Sababo Amaankiisa La Xidhiidha U Baajiyey Safarkiisii Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Turkiga Oo Sababo Amaankiisa La Xidhiidha U Baajiyey Safarkiisii Muqdisho
January 23, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)-Wararka laga helayo masuuliyiinta sar sare ee somaliya ayaa Xaquujiyey in uu Booqashadii uu maanta oo jimce ah ku imaanayay Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan,ay baaqatay.

 

Urdugan

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Xaqiijisay in Recep Tayyip Erdoğan uu ka baaqday Safarkii Muqdisho.majirto wax faah faahin ah oo ka soo baxday sababaha keenay in uu baaqdo madaxwaynaha Turkiga,balse waxa la rumaysanyahay in uu u baajiyey safarkiisa arrimo la xidhiidha amaankiisa,iyada oo maalintii shalay wefti hor dhac u ahaa safarkiisa lagu weeraray qaraxyo ismiidaamin ah,waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in saraakiil iyo ciidamo noocyada kala duwan ee Dalkaasi oo muqdisho lagu soo daadiyey ay madaxwaynaha kula taliyeen in uu baajiyo safarkiisa,lamana oga goorta oo booqan doono dalkaasi somaliya.

 

COMMENTS
LINKS