Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo Oo Digrayto Ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo Oo Digrayto Ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka;
January 11, 2015 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:       Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:       Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:       Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee

                       ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida

                       (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

 

Wuxuu Soo Saaray

 

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida         (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Duhuxul)

     Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS