Macallimiin Kenyan ahaa Oo Maanta Qarax Lagula Eegtay Magaalada Galkacyo iyo Khasaaraha Gaadhay’ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Macallimiin Kenyan ahaa Oo Maanta Qarax Lagula Eegtay Magaalada Galkacyo iyo Khasaaraha Gaadhay’
January 2, 2015 - Written by Editor:

Galkacayo(Wajaalenews) Wararka qaraxaas laga helayo, ayaa sheegay in ugu yaraan Hal qof uu halkaas ku dhintay shan kalena ay soo gaadheen Dhaawacyo kala duwani.

Shanta dhaawacantay ayaa la geeyay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Gaalkacyo si loo baxnaaniyo dhaawacyadda soo gaadhay, waxana la sheegayaa in baaxadda Dhaawacyadoodu ay kala duwan tahay oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

qarax kenyan ah

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa nin ilaalo u ahaa Macalimiinta oo xilligaas saarnaa Gaadhi khaas u ahaa, kaas oo ay kaga soo adeegteen suuqa weyn ee Magaalada.

Ma aha markii koowaad oo dad shisheeye ah oo ku sugan Gaalkacyo la weeraro, sanadkii lasoo dhaafay Gaalkacyo waxaa lagu dilay laba sarkaal oo katirsanaa Qaramada Midoobay halka Macalin kale oo Kenyan ahna lagu dilay Iskuulkii uu dhigi jiray gudihiisa.

Gaalkacyo waxaa ka dhaca weeraro, dilal qorshaysan iyo qaraxyo, maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyaa inaanu xil weyn iska saarin wax kaqabashada amniga Magaaladda.

 

COMMENTS
LINKS