Ma Haboona In Kastamka Caynabo Laga Baahiyo Warar Aan Sal iyo Raadtoona Lahayn, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Haboona In Kastamka Caynabo Laga Baahiyo Warar Aan Sal iyo Raadtoona Lahayn,
January 4, 2015 - Written by Editor:

Annaga oo ah shaqaallaha ka hawlagala Kastamka Caynabo, waxaanu halkan si wada jir ah uga cambaaraynaynaa maqaal ku soo baxay shabakadda wararka ee Aftahannews, kaas oo ka hadalayey arrimo la xidhiidha musuqmaasuq ka jira kastamka Caynabo.

Sidaa daraadeed, waxaanu marka hore si weyn u dhaliilaynaa shabakadda baahisay warkan aan salka iyo raadka toona lahayn, isla markaana qoraalka ku dhex xustay inay xogta ka heleen shaqaalle ka hawlgala Kastamka, iyada oo gebi ahaanba been-abuur ka samaysay shaqaallaha iyo in la is tuhmo, kadib markay cudur-daar uga dhigeen in dhinaca ammniga awgeed aanay soo gudbin karin magacyadooda, balse waxaanu arrintaas ka leenahay in cida xogta sheegaysaa ay noqoto cid u damqanaysa ilaalinta hantida Qaranka, waxaananu halkan ka cadaynaynaa in aanaan ka hadhi doonin ilaa inta mas’uuliyiinta shabakaddu ka caddaynayaan cida warkaas ay ka heleen.

kastamka caynabo

Sidoo kale, waxaanu halkan ka caddaynaynaa in Kastamku ay ka hawlgalaan shaqaalle mas’uul iyo xil-kasnimo leh, isla markaana waayo arag ah, iyadoo aanu arrintan ku tilmaami karno inay ka dambeeyaan shakhsiyaad gaar ah oo waliba dan gaar ah leh.

Si kastaba ha ahaatee, markale waxaanu shabakadda warkan baahisay u sheegaynaa in ay caadaysatay tabbinta warar aanay xogtooda hayn, iyada oo ay waliba mudantahay in Aftahannews lagu tilmaansado tabbinta war aan xaqiiqda ku fadhiyin, isla markaana u horseedi doonta inay hoos u dhacdo tiradda dadka booqda iyo inay ku sifowda sida shabakaddo hore oo wararkan oo kale caadaystay ay maanta ku sugan yihiin.

Ugu dambayn, Kastamka Caynabo wuxuu u shaqeeyaa sidiisii hore, iyada oo waliba la odhan karo wuxuu kastamku ku tallaabsaday inuu kor u qaado dakhliga marka la barbardhigo intii hore uga soo bixi jirtay, waxana suurtogeliyey shaqaallaha waayo-aragnimada u leh habka iyo nidaamka kastamada, balse waxa jira qaar ka mid ah shaqaalle aan hadda ka hawlgelin oo u tafo-xaytay siday markasta dhalliiilo iyo been abuur uga fidin lahaayeen shaqaallaha hadda hawsha gacanta ku haya.

 

 

””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””’

qoraalakan wuxu ku kooban yahay qoraaga baahinta maqaaladuna waa isdhaafsiga fikirada ……………………………………………………………………..

COMMENTS
LINKS