Kumanaan Muslimiin Ah Oo Dibad-baxyo Ka Dhan Ah Masaajiddo La Gubay Ka Dhigay Dalka Sweden . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kumanaan Muslimiin Ah Oo Dibad-baxyo Ka Dhan Ah Masaajiddo La Gubay Ka Dhigay Dalka Sweden .
January 3, 2015 - Written by Editor:

Sweden (Wajaalenews) Kumannaan muslimiinta ku nool dalka Sweden ayaa shalay ka dhigay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas dibadbaxyo ay uga horjeedaan weerarro lala beegsanayo masaajidda ku yaalla dalkaas; kuwaasoo ay ka mid tahay in dab la qabadsiiyo.

sweden-rally

In ka badan 6,000 oo qof ayaa la filayaa inay dibadbaxyadan oo sii socon doona ku biiraan, kuwaasoo laga sameyn doono magaalooyin waaweyn ee waddankaas oo ay ka mid yihiin; magaalada xarunta ah ee Stockholm, Gothenburg iyo Malmo.

“Muslimiinta dalka Sweden waxay ka dibadbaxayaan fikirka Islaam-naceybka ah ee ku soo kordhaya dalka oo dhan, gaar ahaan gubitaanka masaajidda dalkaas ku yaalla oo dhan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu soo saaray urur ay ku mideysan yihiin muslimiinta Sweden.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi. “Waxaa Sweden ku soo badanaya dambiyada ku saleysan nacaybka shaqsiyaadka muslimiinta ah ee dalkan ku nool iyo masaajidda ay ku cibaadeystaan, innaguna waxaan aamisanahay xorriyadda diimaha, mana aqbalayno in nala dhibaateeyo.”

Dibadbaxa ayaa imaanaya kaddib markii maalmo ka hor la weeraray saddex masaajid oo ku yaalla magaalooyinka, Eskilstuna, Eslov and Uppsala, iyadoo la sheegay inay weerarradaas ay geysteen kooxo neceb muslimiinta.

Ugu yaraan 40 kooxood oo ayaa la qorsheynayaa inay ka qayb-qaataan mudaaharaadyadan, kuwaasoo ay ka mid yihiin golaha muslimiinta dalka Sweden iyo ururka midowga Qaranka dalka Sweden.

mosque protestsWasiirka dhaqanka dalka Sweden Alice Bah Kuhnke ayaa la filayaa inuu isna ka qaybgalo mudaaharaadyada ay magaaooyinka waaweyn ee dalka Sweden ka dhigayaan muslimiinta dalkaas ku nool.

Billowgii sannadkan 2015-ka ayaa waxaa dab la qabadsiiyay masjid ku yaalla magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Uppsala. Iyadoo tan iyo 25-kii Dec, 2014-kii la gubay saddex masjid oo ku yaalla Sweden oo uu ku jiro mid ay ku tukanayeen afartameeyo Soomaali ah. Waxaana ku dhaawacmay weerarrada masaajidda lala beegsaday shan qof.

sweden-rallySi kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta xukuumadda Swedish ayaa si adag u cambaareeyay weerarrada lagu qaadayo masaajidda muslimiinta, iyagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwo qaldan oo kasoo horjeeda xorriyadda dadka waddankaas ku nool.

 

COMMENTS
LINKS