KOR UQAADKA WAXBARASHA IYO KOBCINTA AQOONTA ;Sh Jaabir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
KOR UQAADKA WAXBARASHA IYO KOBCINTA AQOONTA ;Sh Jaabir
January 29, 2015 - Written by Editor:

Afka soomaaliga oo akhriskiisu igu adkaa ayaan ka dhigin naftayda inaan ahaado nimaan u dhalan laakiin waxay ciladu iga raacday jahliga aan kaga sugnaa qoraalka iyo akhrista xuruufta

Waxbarashadii igu seegtay yaraantu waxay I dhaxalsiisay inaan maanta oonan haleel lahayn waqtigayga wax ka jaro si aan jaanis ugu helo aqoon igu filan oo lagama maarmaan ah ….

Halganka aan ugu jiro waxbarasho waxaa sabab u ahaa go,aankii adkaa ee aan kanoqodka lahayn ee aan ku gaadhay inaan wax barto oo aan ka bilaabo luuqada soomaaliga sida loo qoro loona akhriyo

Waxaa allaah mahadiis ah in macalinkaygii koobaad uu noqday ilmaha caruurtayda u wayn isla markaana uu iga caawiyay si dhaqso ah inuu ii barro

Markii aan wax kala fahmay ayaan ku biiray inaan wax la dhigto xiliga macalinka aqalka ugu yimaadaa wax u dhigayo si aanan arday arday ugu noqon ama ilmaha uga mashquulin tiisa

Intii uu macalinku ii naqtiimay farta soomaaliga sida loo qoro ama loo aqriyo waxaan hada akhriyaa joornaalka dalka kasoo baxa iyo fariinta taleefanka anigoo bartay xataa sida loo qoro ee cid qoraal loogu diro ama loogu jawaabo waxaanay ahayd tii iigu horaysay ee aan akhriyay fariin taleefan oo noo soo diray shirkada xawaalada ee dahabshiil oo ahayd fadlan xamda abdi waxaan kuu haynaa lacag ee noosoo doono xarunta kuugu dhaw ama soo garaac taleefankan isha allaah .

Faraxada ayaa maalintaa ahayd mid ii laba jibaarantay waayo waxaan aqaanay taleefanka sida loo diro ama looga jawaabo oo kaliya

Faaiidada ay ii leedahay wax qorista iyo akhrisku maanta waxa uu igu dhiiri galiyay inaan hadda macalin ugu ahay dhawr dumar ah oo aan jaar iyo asxaab nahay oo aan u dhigo waxaana dhici karta inaan halkaasba ka bilawno waxbarasho intaas ka badan oo noo horseeda aqoon iyo nolol ka fiican tii hore aan ku noolayn

Durtaba waxyaabaha aan akhriyay ee cilmiga ah waxaa iiga siyaaday in hooyadu tahay halbawlaha nolosha ee tiirka u ah ubad lala rabo inay wax bartaan sidaa darteedna aanay hooyo aqoon leh iyo tu aan aqoon lahayni isku mid ahayn

Waxbarashada hablaha oo aan markii hore iska dhayal san jiray ayaa ah mida aan xooga saaro ee aan usoo jeestay si aanay mustaqbalkooda ula kulmin noloshaydii oo kale

Dedelaaka lagasoo biloobo hoosta ayaa hadii uu sii jiro waxa uu gaadhaa meel sare oo uu qofku kaga tilmaanaan karo qayrkii hablaha oo ka koriin fiican inamada ayaa dhaqso loo baahan yahay inay wax u bartaan waayo waxaa kusoo degdega had iyo jeer inay hooyo noqoto labaatan sanno kadib markaana ma sii wadan karto waxbarshadeedii hadii aan taas loo saamixin

Waxbarashada oo loo simo marka ay caruurtu yartahay waxay dheeli tirtaa aqoonta qof ee u kala baxda rag iyo dumar iyo isla garashada wax wada qabad mustaqbal leh

Qoraalada aan la tuurin sida joornaalka hadii lagu daro caruurta iyo waxbarashada waxay waari karaan ilaa inta uu qofkii ku qornaa nool yahay si xusuusta qofku u reebo taaariikhda hab nololeed ee qof waliba uu lahaa

Wax kastoo dhiiri galin u ah qof waxbaranaya yar iyo waynba waa waajib saaran masuuliyiinta dhamaantood

Waxaa wax si joogto ah loo hadal hayo ah in dadka laga saaro mugdiga jahliga khaasatan hooyooyinka aan nasiib u helin waxbarasho,taasi oo lagaga bixi karo furitaanka waxbarashada dadka waawayn oo soo buuxin karta kaalin banaan oo aan cidi wali ku fikirin,waxaanan ka codsanayaa maanta taas wasaarada waxbarshadada wasiirad sharaf badan oo waxbarashada wax wayn kusoo kordhisay joogto waana qof dumara marwo samsam oo usoo kordhin karta lagana filayo hadii ay dhiirigalintaydaa qaadato isha allaah waxaana jooga dumar badan oo dumarka wax u dhigi kara

Waxaa kale oo sare usoo kici lahayd hadii hooyooyin badan jahliga ka baxaan in ubadkoodana ay ugu dadaalaan iftiinka cilmiga iyo nuurka aqoontu ay leedahay lamana arkeen hooyo quutal daruuriga ka hormarinaysa quutal quluubka waxbarashadu tahay

Banaamijkan kor uqaadka waxbarshada iyo kobcinta oqoontu waa mid noo astaan ah oo lagu dhiiri galinayo bulshada maantana waxaan kusoo qaadanay is bedel qof dumar ahi samaysay oo hurumarkaas leh waxaanan rabnaa sida uu maalinba qof isku bedelayo in bulshada uu wada gaadho isbedelka fiican ee aqoontu u keento dad hor umar rabba taasna waxaa kaalinta koobaad ka qaadan kara iskaashi ka yimaada dhinac walba iyo qof walba ugu dambayn bal qof walawba soo tijaabi inay aqalkaaga joogto hooyo wax kastoo kale haysa balse aan waxba qorin ama aan akhriyin soona jawaab isha allaah

COMMENTS
LINKS