Komishanka Doorashooyinka Oo Xukuumadda u Gudbiyey Qoraal Sheegaya In Aanay Doorasho ku Qaban Karin Mudada ka Hadhay Wakhtiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Oo Xukuumadda u Gudbiyey Qoraal Sheegaya In Aanay Doorasho ku Qaban Karin Mudada ka Hadhay Wakhtiga
January 11, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland toddobaadkii tagay u gudbiyeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo Warqad ay ku caddaynayaan inaanay Doorasho ku qaban Karin muddada ka hadhay wakhtigii ay ku qabsoomi lahaayeen Doorashada Madaxtinimada iyo Ta Golaha Wakiiladdu.

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA

Komishanka iyo Xukuumadda mid koodna illaa hada warbaahinta umay bandhigin go’aankan haddii uu jiro, hase yeeshee sida wararka qaarkood sheegayaan waxa ay Xukuumaddu qoraalka Komishanka isku dhaafisay dhinaca Golaha Guurtidda, kaasoo awood u leh go’aan ka gaadhista wakhtiga ay Doorasho Dalka ka qabsoomi karto.

Qoraalkan ayaa meesha ka saaraya in doorasho qabsoonto, hase yeeshee waxa cadaanaysa sida ay dad badani qabeen inaanay suurtogal ahayn inay bisha Juun ee sanadkan doorasgo dhacdo sababo badan dartood.

Arintan ayaa cadayn u noqonaysa dhawaaqii xusbiyada qaran ee ahaa in aan xukuumadu diyaar u hayn in doorashada xiligeedii ku qabato komishanka doorashada ayaa iyagu ah kuwo ay xukuumada soo naqaysatay kuna shaqaynaya awaamiirta madaxtooyada.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS