“Jawaabta Reer Awdal Ka Sugayeen Madaxweynaha Hadal May Ahayn Ee Ficil Bay Ahayd, Xil Axmed-yaasiin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Jawaabta Reer Awdal Ka Sugayeen Madaxweynaha Hadal May Ahayn Ee Ficil Bay Ahayd, Xil Axmed-yaasiin
January 3, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa-(Wajaalenews)-Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ee laga soo doorto Gobalka AWDAL, ayaa ka hadlay hadalkii shalay jawaabta ahaa ee ka soo baxay Madxweyne Axmed Siilaanyo, ee uu kaga hadlay qalalaasihii ka dhashay tabashadii Gobalka AWDAL, waxaanu Xildhibaanku ku dooday in Jawaabta laga sugaayay Madaxweynuhu aanay ahayn mid afka ah oo hadal kaliya ku kooban, balse waxa uu xusay Xildhibaanku in laga sugaayay Madaxweynaha jawaab cad oo ficil ah oo kafayn karta tabashada reer AWDAL.

Xildhibaanka oo u waramayay Idaacada VOA-da oo ariimahan ka hadlayaa waxa uu yidhi,

“Arrinta Gobolka AWDAL, ee uu Madaxweynuhu kaga hadlay, waxa aan is leeyahay jawaabtii Madaxweynaha laga sugaayay hadal

kaliya may ahayn, balse talaabaa laga sugaayay si ay u dagaan, Madaxweynuhuna waa kii ka garaabay tabashiiyinkii jiray, Jawaabtii Madaxweynaha laga sugaayay ficil bay ahayde hadal may ahayn, xataa kaa ka duday (Suldaan Wabar), ee uu sheegayey waxay ahayd inuu la xidhiidho oo may ahayn in uu hadallo iskaga yidhaahdo, qaabka uu doonaba ha u dhigee, maxaa yeelay ka cadhoodayna isaga ayaa Madaxweyne u ah, Arrinta Gobalka haday og-tahay inuu guutooyin ciidan ah urrursaday oo uu soo wado maxaa dawladaha jaarka ah looga been abuuranayaa, reer Awdal haday Somaliland, ka xiisoodeen, oo ay Xamar u xiisoodeen Tallo ayaanu isugu imanaynaa, tanna (Somaliland), in nalooga tago mooyee, cidna uga tagi mayno”, ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xidhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo yidhi,

“Madaxweynaha iyo ummadii kale ee hadashay-ba waynu isku wada waafaqsan nahay, Madaxweynahana waxa ay masuuliyadi ka saarn tahay wax kasta oo khilaaf dhlinaya, , cabashadanina waxa ay u timi isaga oo Lix bilood joogay, maantana Lixdii bilood ee ugu dambeeyay ayuu ku jiraa, xataa waxa uu xaq u leeyahay in uu yidhaahdo xaq uma lihidin waxa maqan, Cidda go’aanka laga sugaayo, ee laga cabanayaa Wasiir maaha ee Madaxweynahay leeyihiin sadbursiimo ayaanu arkaynaaye xaqayaga na sii.” ayuu yidhi Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle

 

COMMENTS
LINKS