Israaiil Oo Heshay Farriin Ka Timid Ururka Xisbulah Oo Laba Askari ka Dishay Maalintii Shalay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Israaiil Oo Heshay Farriin Ka Timid Ururka Xisbulah Oo Laba Askari ka Dishay Maalintii Shalay,
January 29, 2015 - Written by Editor:

Israail(Wajaalenews)Wasaaradda Gaashaan dhigga Israa’iil ayaa sheegtay inay heshay farriin ka timid ururka Xisbullah ee Lubnaan, taas oo ku saabsan in Xisbulah aanay doonayn rabshado dheeraad ah oo mar kale dib u bilaabma.

ISRAIIL

Arrintan ayaa ka dambaysay xiisad cirka isku shareertay oo ka taagnayd xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.

Wasiirka difaaca ee Israa’iil Moshe Yaclon ayaa sheegay in askarta Israa’iil ay heegan ku jireen kaddib dilka laba askari oo kaga dhintay weerar ay soo qaaden Xisbullah.

Nabad ilaaliye u dhashay dalka Spain ayaa ku dhintay weerar aargoosi ah oo ay qaadday Israa’iil.

Xiisadda ka taagan dhulkaas ayaa sare u kacday labadii todobaad ee la soo dhaafay kaddib markii ay Israa’iil duqeyn xagga cirka ah ku dishay saraakiil ka tirsan ururka Xisbullah.

 

COMMENTS
LINKS