Is_Badalkii Nidaamkii Siyaasadeed Ee Qaarada Africa Dhamaadkii Qarnigii 20aad. W/Q Cabdixakiim Mukhtaar Cali Q3aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Is_Badalkii Nidaamkii Siyaasadeed Ee Qaarada Africa Dhamaadkii Qarnigii 20aad. W/Q Cabdixakiim Mukhtaar Cali Q3aad.
January 19, 2015 - Written by Editor:

Qormadeenii u dambaysay waxa aynu kaga soo haddalnay oo aynu ku soo iftiiminay in Qaarada Africa uu is badal ku dhacay nidaamkii siyaasadeed, waxa aynu soo xusnay in dalal ka mid ah Qaarada Africa ay ka dhaceen doorashooyin, laguna doortay hogaan Cusub oo ku yimid rabitaanka dadyowga Africa.

Qormadeenan maanta haddi RABBI raali ka noqdo waxa aynu kuso qadan doona laba arimood.

cabdiraxiim mukhtaar 21

  1. Sidii uu ahaa Nidaamkii Siyaasadeed ee Qaarada Africa sanadkii 1980kii . 2. Iyo is badalkii Siyaasadeed ee dhacay markii la soo gaadhay sanadkii 1999kii.

Sanadihii 1980kii ilaa 1989kii, nidaamkii siyaasadeed ee Qaarada Africa ka jiray waxa uu ahaa mid ku dhisna Hal Xisbi iyo Hal Hogaamiye, waxaana wakhtigaas adkayd in la arko cid ku tartanta hogaanka dalka, iyada oo hoganka dalalka Africa ay gacanta ugu jireen kooxo gaar ah, kuwaas oo aan diyaar u ahayn haba yaratee tartan iyo doorashooyin, waxana wadamo badan gacanta ku hayey Kooxo Military oo Af gambi ku qabsaday dalalka qaar.

Laga soo bilaabo 1990kii ilaa 1999kii waxa is badal waynu ku dhacay nidaamkii siyaasadeed, wakhtigan waxa aad u soo xoogaystay nidaamka Axsabta badan, waxana laga gudbay nidaamkii Halka Xisbi iyo Halka hogaamiye, wakhtigana waxa wadamada qaar ka dhacay doorashooyin.

Haddaba aynu eegno sidii uu ahaa nidaamkii siyaasadeed sanadkii 1980kii, iyo sidii uu isku badalay markii lasoo gaadhay1999kii.

Wadamadii Uu Ka Jiray Halka Xisbi Iyo Halka Hogaamiye

Sanadkii 1980kii.

Algeria, Angola, Benin, Burundi, Cameron, Central Africa Republic, Djibouti, Ivory coast, Congo, Equatorial Guinea, Ethiopia, Gabon, Guinea – Bissau, Kenya, Madagascar , Malawi, Mozambique, Rwanda, Sierra Leone, Seychelles, Somalia, Tanzania, Togo, Zaire, Zambia

Wadamadii Qaarada Africa Ee uu ka jiray Nidaamka Xisbiyada badan sanadkii 1980kii

Botswana, Chad, Gambia, Liberia, Mouritius, Senegal, Sudan, Niger, Uganda.

Waxa aan halkaa ka garan karnaa in sanadkii 1980kii nidaamka siyaasadeed ee ka jiray Qaarada Africa uu ahaa Hal xisbi, aadna ay u yarayeen wadamada ay ka jiraan Nidamka Xisbiyada badan.

Bal haddana aynu eegno sidii uu isku badalay nidaamkii Siyaasadeed markii lasoo gaadhay sanadkii 1999kii.

Wadamadii Uu Ka Jiray Nidaamka Xisbiyada badan Sanadkii 1999kii.

Algeria, Angola, Benin, Botswana, Burkina Faso, Cameroon, Central African Republic, Chad, Congo, Ivory coast, Djibouti,Egypt, Equatorial Guinea, Ethiopia, Gabon, Ghana, Guinea- Bissau, Kenya, Liberia, Madagascar, Malawi, Mauritania,Mozambique, Namibia, Niger, Nigeria, Rwanda, Senegal, Seychelles, Sierra Leone, South Africa, Sudan, Tanzania, Tunisia,Zambia, Zimbabwe, Mali.

Waxa aad halkaa ka garan kartaa akhriste, in markii la soo gaadhay 1999kii uu is badal aad u wayni ku dhacay nidaamkii siyaasaded ee Qaarada Africa, iyada oo aynu arki karno wadamo badan oo nidamkoodii Siyaasadeed uu ahaa Hal xisbi sanadkii 1980kii, ay u digo rogteen oo ay noqdeen dalal ay ka jiraan Xisbiyo badan, kana hir galaan doorashooyin markii lasoo gaadhay sanadkii 1999kii.

Guud ahaan wadamada Qaarada Africa sanadkii 1999kii, waxa badidood ka hir galay oo ay qateen wakhtigaas nidamka xisbiyada badan, waxana laga gudbay nidaamkii kali talisnimo, marka laga Reebo dalka Eritrea oo wakhtigaas wali iyagu kusii jiray nidaamka halka xisbi iyo halka hogaamiye, iyo wadanka Somalia oo iyagana anay ka jirin dalwad awood leh, kana socdeen dagaalo sokeeye.

 

WABILLAHI TAWFIIQ

Senior Student at New Generation University College

Email. Xaajifaarax12@hotmail.com

Tell. 0926685837

 

  1. Cabdixakiim Mukhtaar Cali

 

Addis Ababa, Ethiopia

 

COMMENTS
LINKS