|
|||||
WAJAALE NEWS
In ka badan 26 Qof oo ku Dhintay Weerar ka Dhacay Dalka Masar.
January 30, 2015 - Written by Editor:Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay gobalka Waqooyiga Sinai ee dalka Masar kadib markii kooxa mintidiin ah ay weeraro soo qaadeen. Inta badan kuwa dhintay waxa ay ka tirsanyihiin xoogagga amniga Masaarida Baro koontorool, saldhigyada milatariga iyo baliiska dhowr magaalo ayaa lagu weeraray hoobiyayaal, rasaas iyo ugu yaraan hal gaadhi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Rabashadaha ugu badan waxa ay ka dhaceen magaalo madaxda gobalkaasi waqooyiga ee Al cariish. Koox xidhiidh la leh ururka Daacish , ayaa sheegtay in ay ka dambaysay weerarka. Rabshadaha ayaa sii xoogaystay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Mursi sanaddii 2013-ka.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|