Hanjabaadii Warancade iyo Fadal Oo Durba Sobobtay Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Iska Horimaad Caawa Dhex Maray Ciidanka Boliiska Iyo Kooxo Dhalinyaro Ah . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanjabaadii Warancade iyo Fadal Oo Durba Sobobtay Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Iska Horimaad Caawa Dhex Maray Ciidanka Boliiska Iyo Kooxo Dhalinyaro Ah .
January 29, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) – Inta la ogyahay hal qof oo dhallinyaro ah ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay ka dib markii ciidamada booliska oo waday hawlgal ammaan ay rasaas ku rideen dhallinyaro ay doonayeen inay qab-qabtaan.

rabshado

Qofka dhintay ayaa lagu sheegay Wiil dhallinyaro ah, halka ka dhaawacmayna yahay dhallinyaro, waxaana falkaasi ka dhashay weerar ciidamada boolisku ku qaadeen dhallinyaro ku ciyaareysay garoon kubadeed oo ku yaalla gudaha Iskuulka Maxamuud Axmed Cali ee degmada Maxamuud Haybe, kuwaasi oo ka mid ahaa dhallinyarada habeenkii rabshadaha sameeya isla-markaana la doonayey in la qabto. Hasa-yeeshee dhallinyarada oo dhagax kala hor-tagey ayaa boolisku rasaas kaga jawaabay, waxaana taasi keentay dhimashada Wiilka dhallinyarada ah iyo dhaawac ka kale.

Dhimashada iyo dhaawacaasi, ayaa waxa ka gadooday dadweynaha degmadaasi, kuwaasi oo isku soo bax ballaadhan ka wada jidka loo maro Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa.

Taliska booliska ayaa markaasi ka dib halkaasi geeyay ciidamo dheeraad ah oo ka hor-taga rabshadahaasi oo ilaa hadda socda

COMMENTS
LINKS