|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhriso; Dhacdo Aad U Xanuun Badan Oo Murti Badanina Ku Duugantahay Oo Dhex Martay Oday 70 Jir Ah Iyo Gabadh 19 Jir Ah .
January 11, 2015 - Written by Editor:Waxa Jiri Jirtay Gabadh La Yidhaa Amran Oo Ay La Dhasheen Afar Hablood Oo Ay Iyadu 5-Ku Ahayd , Waxay Ahayd 19 Jir Ku Mashquulsan Hirgalinta Himiladii Waalidkeed, Dani Ha Joogtee Waxay La Kacday Qurux Iyo Akhlaaq, Waxba Kama Taqaano Haasaawaha Ragga Jacaylna Hadalkiisaba Iska Ilaw . Waa Amar Allee, Amran Waxaa U Soo Geed-Fadhiistay 70 Jir Af-Miishaar Ah, Meherkeedii Iyo Arooskeedii Ayaa Bil Kala Dambeeyey, Ka Dibna Waxaa Lagu Hooyay Aqal Aqalada Magaalada Ka Hadal Hayn Badan, Hablaha Asaageedna Ay U Oomanaayeen . Waxaa Gaafkeedii Ka Soo Qaybgalay Badiba Xididkii Iyo Xigaalkii Amran . Aroos Gobeed Dheh, Yeelkeede, Aqal-Galkii Ka Dib, Odaygii Guursaday Amran Dib Umay Arag, Aqalkeedu Wuxuu Wehel U Yahay Afmiishaarada Magaalada Oo Dhan Ha Ugu Badnaadeen Inamada Odaygeedu Adeerka U Yahay . Hadda Amran Waxay Guri Leedahay Afar Sano Iyo Dheeraad Walina Waa Ugub , Balse Dadka Inta Xog-Ogaalka Ah Mooyaane, Intooda Badani Waxay Ku Dambaabaan “Amran Ma Ma-Dhalaysbaa?” , Balse Shakhsiyaadka Xog-Ogaalka Ah Ayaa Aaminsan In Amran Odayga Laga Furo Oo Nin Dhalinyaro Ah Loo Dhiso , Amrana Sidaa Waa Ka Raali, Balse Wuxuu Shakhi Ka Taagan Yahay Sida Odaygu Amran U Furidoono . Fasiraada Suxufiga . Gabadhan Amran La Yidhaa Ee Hablaha Ay Shanta Ku Noqonayso La Dhalatay Waa Somaliland Oo Ku Shan Ah 5-tii Somaliyeed ,19-ka Sano Ee Ay Jirtayna Waa Intii Ka Danbaysay Halgankii Dib Ula Soo Noqoshadii Xornimada Somaliland Ee 1991 Intii Aanu Qabsan Madaxweyne Siilaanyo Oo Ay 19 Ka Danbaysay , Waxa Ay Ku Mashquulsanayd Ee Ahaa Hirgalinta Himiladeeduna Waa Xoriyadii Ay U Soo Dagaalantay Jabhadii SNM , Quruxda Iyo Akhlaada Ay Lahaydna Waxa Ay Ahayd Dulqaadkii Iyo Wanaagii Dawladnimo , Jacaylkaa Ayna Garanayna Waxa Uu Ahaa Xasarada Iyo Dhiiri Galinta Afmiishaarka Ama Af-Ku Xooglaha . Waa Amar Alee Odaygan Af Miishaarkee U Soo Geed Fadhiistayna Waa Madaxweyne Siilaanyo Iyo Af-miishaar Nimadiisii Wakhtigii Olalaha , Meherka Iyo Arooskaa Bisha Kala Danbeeyayna Waxa Weeyaan Doorashadii Madaxtooyada Iyo Dhaarintii Xilkiisa Qaran , Aqalka Lagu Hooyay Ee Magaalada Ka Hadal Haynta Badana Waa Madaxtooyada Oo Magaalada Hargeysa Ka Hadal Hayn Badan , Hablaha Asaageed Ah Ee U Oomanaana Waxay Ahaayeen Xisbiyadii Tartanka Kula Jiray Ee UDUB Iyo UCID . Xididka Iyo Xigaalka Ka Soo Qayb Galay Gaafkuna Waa Dawladaha Jaarka Iyo Dawladaha Xidhiidhka Wanaagsani Inaga Dhexeeyo .
Odaygan Amran Guursaday Ee Aqal Galkeedii Kadib Aan Soo Eegina Waa Madaxweyne Siilaanyo Oo Wakhtigisii Doorashada Kabacdi Gobolada Iyo Dagmooyinka Somaliland-ba Xoog Looga Cawdo Oo Aan Tabashadooda Dhagaysan , Af Miishaarada Magaalada Ee Aqalka Amran Wehelka U Ahna Waa Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale , Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse Iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Mr Dhuxul , Inamada U Badan Af Miishaaraduna Ee Uu Adeerka U Yahayna Waa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan , Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi , Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-Xun) , Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal Iyo Wasiiru Dawlaha Maaliyada Cismaan Saxardiid Cadaani . Afarta Sano Iyo Dheeraadka Ay Amran Guriga Leedahay Waa Afarta Sano Ee Madaxweyne Siilaanyo Dalkan Somaliland Ka Taliyo , Ugubka Ay Tahayna Waa Wixii Dadkii Siiraanyo Doortay Ay Moodayeen Oo Uu Noqon Waayay , Inta U Xog Ogaalka Ahina Waa Bulshada Somaliland Ee Og In Aanay Waxba Dalka U Suurta Galin Intii Uu Madaxweynaha Ahaa , Inta Ku Danbaabta Amran In Ay Ma-dhalays Tahayna Waa Dawladaha Jaarka Oo Somaliland U Malaynaya In Ay Somalia La Midoobayso , Shakhsiyaadka Xog-Ogaalka U Ah Ee Raba In Amran Odayga Laga Furo-na Waa Bulshada Oo Doonaysa In Madaxweyne Siilaanyo Xilka Ka Tago , Amran-ta Ka Raalida Ahina Waa Qaybihii Kale Ee Bulshada Somaliland Oo Doonaya In Uu Xilka Ka Tago Oo Ay Doortaan Murashaxa Madaxweyne Ee Ugu Da’da Yar Somaliland Oo Ah Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen , Shakiga Ka Taagan In Amran Odaygu Furi Waayaana Waa In Madaxweyne Siilaanyo Diido In Uu Xilka Ka Dago Marka Lagaga Guulaysto Oo Uu Af-Ganbiyo . Fasiraada Waxaa Iska Lahaa Oo Fasiray Sheekadan Wariye Cabdiraxmaan Aadan Muxumed Bade400@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|