Haddii Aad Safar Ama Dalxiis Ku Tagto Caasimada Somaliland Iska Jir Goobaha Laga Raaco Basaska Halis Khatar Ah filo Markaad Marayso !!!SALEEBAAN XUQUUQ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haddii Aad Safar Ama Dalxiis Ku Tagto Caasimada Somaliland Iska Jir Goobaha Laga Raaco Basaska Halis Khatar Ah filo Markaad Marayso !!!SALEEBAAN XUQUUQ
January 21, 2015 - Written by Editor:

Gaadiidka Dadwaynaha Caasimada oo Markay Waayeen Maamul Gacanta Ku Qabta oo Dadwaynaha Caasimada uga Faa’iideeya sida ugu wanaagsan ee ay ugu Danaynsan Lahaayeen ayay Basas Layaashii Waxay isu rogeen Masuuliyiin Gacanta ku haya Faras Magaalaha Caasimada Somaliland.

download (29)(1)

WaXay xidhaan Wadooyinka Mashquulka Badan ee Dhexmara Suuqyada ugu waawayn ee badhtamaha Caasimada Hargeysa.

Basas layaashu waxay istaamadooda Dejiyaan Meherado ah Cooshado ka samaysan oo Haween yastaan kuwaasi oo Cuntada iyo Shaaha lagu Iibiyo isla markaasina ay ku qayilaan basaslayaasha farsada sugaya iyo shaqaalaha iskaashada basaska ee istaamada ku sugan, waxa kale oo meheradaahaasi hoy u yihiin tuugta jeebka iyo kuwa dafa Moobilada iyo waxay dadku gacmaha ku sitaan. Meheradahan Cooshadaha ah ayaa ku taxan hareeraha Istaamada Basaska.

Meheradahani waxay sii Cidhiidhyaan Istaamadi Basaska ee awalba basasku isdul buuxiyeen waxana ay xaalada goobaha basaska laga raacaa noqotaa mid ruuxii lugaynayaa meel uu cagta dhigo waayo oo Samxad ah. Dhinaca kale waxay ka dhigtay goobaha basaska laga raaco ee Caasimada kuwa ugu Foosha Xun.

Baabuur_Harg

Basalayaashu waxay Istaamadooda ku yaal badhtamaha Caasimada u isticmaalaan Suuliyo ahaan gaar ahaan waxay ku kaajaan Basaska hoostoda oo marka dadwaynuhu dhexmarayaan sankana way is qabtaan dharkana way xaydxaytaan oo faraha hore ayay ku socdaan. Dadwaynuhu waxay marag ka yihiin in goobaha basaska laga raaco magaalada Hargaysa ay nijaas yihiin oo xataa ka xun yihiin Suuliyada sababtoo ah Suuliyada dadka leh ayaaba nadiifiya oo naafteeya e, bal ka waran goob maalin kasta boqolaal rag ahi ku kaajayaan siday noqon dooontaa.

Halis Caafimaad daro oo muuqata balse cid u soo jeeda aanan arag ayay leeyihiin Goobaha Basaska laga raaco ee Caasimadda Somaliland.

Istaamada Basaska Caasimada Hargeysa waxay hoy u yihiin Tuugta Boobta waxyaabaha dadwaynuhu ay gacmaha iyo jeebabka Ku qaataan oo Mobilada iyo Shandaha dumarku gacanta ku qaataan dadka bacaha alaabooyinka ku laalaadinaya waxay bartilmaameed u yihiin tuugada faraha badan ee dadwaynaha gaar ahaan haweenka iyo caruurta ku sii suga Goobaha laga raaco Basaska iskaga gooshaa Caasimada Somaliland. Tuugtaasi waxay u hawlgalaan koox koox waxayna sitaan mindiyo dhaadheer basaska faraha badan ee tuban istaamada ayaa ka dhiga qaar aan la eryan karin Tuugada wax boobta maadaama oo basasku yihiin goobo lagu gaban karo oo wax kala qariya.

 

Mustaafiriinta iyo dadka dalxiiska ku taga caasimada Hargeysa ha iska jiraan in ay si baraad la’aan ah u dhex maraan goobaha laga raaco Basaska ee ku yaal badhtamaha caasimada waxa suurto gal ah haddii waxa tuugu kaa boobayo aad ku faro adaygto in ay tooray ku galiyaan, balse hadayba kugu dhacdo sii ogow ma helaysid boolis degdeg kuugu gurmada iyo gargaar caafimaad oo kuu diyaar ah waxana aad aad u dhow in uu gaadho dhaawac geerina u dhow oo mag la’aan ah. Markaad Baska fuusho had iyo goor ha furin daaqada muraaqyada ah ee baska aad fuushay haday furan tahayna iska xidh si aan Tuugada hareero tuban baska dhaqaaqayaa daaqadaha furan kaaga boobin hantida aad sidato oo Mobilku ka mid yahay.

Istaamada Basaska Caasimada Hargeysa waxay Xanibeen isku socodka Gaadiidka iyo Dadka ee Farasmagaalaha Caasimada. Waxa kale oo ay Xayireen Wajahadihii Dhismayaasha Meheradaha Ganacsiga ee Ku yaal badhtamaha Caasimada.

Marka la is barbardhigo Dakhliga uu halkii Bus Maalintii Soon galiyo Dawlada Goose ee Caasimada iyo Dakhliga at soo galiyaan Meheradaha iyo Dhismayaasha ay Wajahadihii ka xanibeen waxa 100℅ badan ka meheradaha iyo Dhismayaasha at ka helaan Dawlada Choose iyo Dawlada Dhexe.

Guntii iyo Gabogabadii Waxan La Yaabay Basaslayaashii Dhibaatada ugu badan ku hayay Bilicda, Caafimaadka iyo Amaanka Caasimada ayaa hadana waxan maqmaqlayay maalmahan iyagoo ka hor yimid oo diidan Dib u habaynya Nidaamka Wado Marists Gaadiidka Caasimada .

Waxana sabab u ah in ay Basaslayaasha Caasimadu Diidaan Nidaam oo dhan iyadoo Masuuliyiinta Dawladaha Hoose at yihiin qaar San aqoon Ku filan u lahayn Masuuliyada ay hayaan.

Iskaashatada Basasku Caasimada Somaliland waa qaar awood badan oo waxay xabsiga dhigaan dadwaynaha iska leh Hantida ma guuraanka ah ee ay basasku hortuban yihiin haday isku dayaan in ay guryahooda marmar dhigaan waxay iskaashatadu ku andacoodaan in marmarka aqalada daaraha ah la hor dhigaa goobaha istaamada ah ay cidhiidhi galinayaan. Maadaama Iskaashatada Basasku hayaan Lacag Kaash ah oo ay ku laaluushaan Saldhigyada Booliska waxay yeesheen awood tacadi ay ugu gaystaan dadwayanaha.

Suleiman Ismail Bolaleh (Saleban Xuquuq)

COMMENTS
LINKS