Guurtidu Ergo Kama Gasho Nin Dudey Oo Yidhi Jabhad Ayaan Sameysanayaa,Xil Xasan Cawaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guurtidu Ergo Kama Gasho Nin Dudey Oo Yidhi Jabhad Ayaan Sameysanayaa,Xil Xasan Cawaale.
January 20, 2015 - Written by Editor:

Xildhibaan Xasan Cawaale Si Kulul Uga Jawaabay hadalo kasoo yeedhay Murashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Ucid,

Hargeysa(Wajaalenews)-Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo katirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga jawaabay Hadalo uu Murashaxa jagada Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan kaga hadley xiisada Suldaan Wabar kuna dalbadey in Guurtidu arintaas gasho oo Suldaan Wabarna soo ergeyso hadalkaas oo uu Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan gaashaanka ku dhuftey.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo xogwaran gaar ah siiyay Shabakada Wararka hadhwanaagnews islamrkaana, nuxurka hadalkiisa ku simay jawaabta Murashaxa jagada Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Ucid, khusuusana arinta Suldaan Wabar isagoo arimahaa ka hadlaya waxa kamid ahaa hadaladiisa.

“Waxaan Doonayaa inaan maanta halkan uga jawaabo hadalo aan ka maqley Tvga oo uu ku hadlayay Murashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Ucid,oo uu
lahaa ergo ha ugalaan Golaha Guurtidu Suldaan Wabar,waxaan taa kaga jawaabayaa oo aan leeyahay Guurtidu ergo kama gasho nin dudey oo yidhi jabhad ayaan sameysanayaa,waxaan leeyahay markaasi ergada umana qalanto Guurtida mana galayaan galina maayaan, laakiin ninka Jamhuuriyada Somaliland ka duda ee yidhaa jabhad ayaan sameysanayaa adeero ulbaa lagaga soo daadajinayaa buurta,horey u dhacdey cidna la sasabi maayo,cidna ergo loo gali maayo, cvidna dad loo diri maayo hadii uu garan waayo isagu qofkani nabada iyo wanaaga iyo anshaxa ay Somaliland kuwada nooshahay Somaliland cidna uma joojinayso murashaxow Guurtiduna adeerow ma dhexdhexaadiso nin yidhi jabhad baan sameysanayaa,dhexdhexaadin kama gasho Somalilandna adeer waa muqadas cid loo joojinayaana majirto cidii baxdana adeer  ulbaa lagaga soo dajinayaa halkuu joogo”.Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Rasaasbaa adeer oogta lagaga furayaa,Guurtidu sharci uma laha in ay tagaan waxaa sharci u leh in lasoo qabto in la daldalo in la xidho ciidamada Jamhuuriyada Somaliland allaha daayo allaha garab galo ayaanu leenahay”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaa ku darey Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan “Musharaxow waxaan kuu sheegayaa mid labaad hadii ay matalan gabadhi ninkeeda ka dudo waxa soo celiya ehelkeeda hadaba adigaa u ehel ahe soo celi adeer suldaanka dudey Suldaanada waxaanu ku naqaanay, in ay ka shaqeeyaan nabada,wanaaga iyo anshaxa, laakiin nin yidhi jabhad ayaan sameysanayaa, waa nin tagay cida soo celinaysaana waa ehelkiisa,hadaan mar labaad kuugu celiyo gabadhi haday odeygeeda ka dudo waxaa soo celiya ehelkeeda soo celi dee adigu Guurti masoo celiso cid kalena masoo celiso adeerow haduu iman waayana xabad ayaanu kaga soo saareynaa oo aanu ku qaban”Ayuu yidhi Xildhibaan Caynaan.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo katirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland mar la weydiiyay sababta uu u qoonsaday hadalka Murashaxa Jagada Madaxweyne Kuxigeen ee Xisbiga Ucid maadaama, uu nasteex iyo isku soo dhaweyn ka hadlayay waxa uu yidhi isagoo ka jawaabaya Su,aashaasi.

“Waxaan uga jawaabayaa xaley wuxuu yidhi Guurtidu ergo haka gasho waxaan leeyahay ergo lagama galayo taanu qoonsanay ee aanu diidney, waa ergo halaga galo oo hala soo sasabo adeer cid Somaliland loo soo sasabayaa majirto Somaliland waa muqadas waanay adkaatey”Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Waxa kale oo uu ka hadley mar la weydiiyay in Suldaanku tabashooyinka Gobolkiisa ee dhinaca Duqeyda iyo Madaxdhqameedka ay Xukuumada ka tabanaayaan isagoo ka jawaabaya Su,aashaasi waxa uu yidhi.

“Wuxuu tabanayo inooma sheegin Laakiinse Suldaamada waxaanu ku naqaaney,in ay ka shaqeeyaan nabada iyo wanaaga laakiinse jabhadbaan sameysanayaa Suldaan yidhi waligay maan arag mana maqal,waxay tahay in Xukuumada Ciidanka habeyso howlgaliso,xuduudaheeda sugto”Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

Ugu dambeyntii mar la weydiiyay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan in ay dhibaato ka iman karto hadii talaabo Ciidan loo adeegsado Suldaan, waxa uu ku jawaabay in aanay waxba ka imanayn ee ay ku haboon tahay in talaabo dhakhso ah laga qaado.

Waa Markii u horewysay ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee kasoo Jeeda Gobolka Gabiley si adag uga hadlaan arinta Suldaan Wabar isagoo Xasan Cawaale noqonaya Xildhibaankii u horeeyay ee naqdiya hadalka Murashaxa Jagada Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo ay isku hayb yihiin Suldaan Wabar

 

COMMENTS
LINKS