|
|||||
WAJAALE NEWS
Guurtida Oo Beenisay Inay Madxwaynaha Ka Heshay Warqad Uu Ku Dalbanaayo Mudo Kordhin Dheerada.
January 12, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) – Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa sheegay inaanay jirin Warqad Muddo kordhin Xukumadda loo sameeyo ku salaysan oo soo gaadhay. Hadlka Siciid Jaamac Cali, ayaa ka dambeeyay markii Saaka qaar ka mid ah wargeysyada Hargeysa ka soo baxaa daabaceen inay jirto Warqad Komishanka doorashada Somaliland xukumadda u soo gudbiyay oo uu ku sheegay inay Komishan ahaan muddo sanad ah ku qaban karaan Doorashada, isla warqaddaasna Xukumaddu isku dhaafisay Guurtida. “Runtii Saaka Waan ku arkayay Jaraa’id badan warkaas ah, in Komishanku uu war galiyay Xukumadda, Xukumadduna ay Guurtida u soo gudbisay, laakiin waxaan idiin caddaynayaa ilaa iyo hadda wax warqad ah oo arrintaas ku saabsan oo na soo gaadhay inaanay jirin” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka oo Saxaafadda kula hadlay Aqalka Guurtida. Mudane Siciid Jaamac Cali oo la waydiiyay Mawqifka Gole guurti ahaan uga yaala Muddo kordhin loo soo bandhigo waxa uu ku jawaabay “Annaga markay Warqaddu noo timaado, Goluhu dee wuu qiimeeyaa Talooyinka ay Komishanku soo raaciyaan, Xaaladda markaas taagan, Qiimayntaas baanu Goluhu ku saleeyaan Kordhinta Muddada” Mudane Siciid Jaamac Cali Waxa uu ka gaabsaday inay hadda u muuqdaan Asbaabaha dastuuriga ah ee keeni kara in Xukumadda wakhtiga loo kordhiyo “Wallaahi kama hor dhici karo” ayuu ku gaabsaday mar la waydiiyay inay jiraan duruufo keeni kara Muddo kordhini inay dalka ka jiraan. Komishanka doorashada ayaa muddo kooban xilka hayay, waxaana laga sugayaa doorashada ku mudaysan 26-ka June ee sanadkan 2015-ka, taas oo wakhti ku siman ilaa 6 bilood ka hadhan yahay hadda. Related posts:Cali Khaliif Oo ku Hungoobay Taageero Uu ka Helo Dawlada Muqdisho Iyo Wasiir Sheegay Inaanay Dawlad... Daawo: Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedaymo Loo Soo Jeediyay DAAWO;-Madaxwaynaha DDS Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Kooxo Uu Ku Eedeeyay In Ay TPLF Xidhiidh La Leeyi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|