|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Kuxigeenka Barlamaanka Somaliland oo ka hadlay Dhex dhexaadnimada Turkiga.
January 26, 2015 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaalenews)Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada somaliland Cali Yuusuf Axmed Ayaa si Cilmiyaysan uga hadlay wada hadalka u socda Labada dal iyo Bookhashada uu ku yimid Dalka Somaliya Madaxwayna dalka Turkiga oo Hogaaminayay Wada hadalka Labada dawlada. waxa uu ka waramay inuu dhex-dhexaad ka yahay Madaxwayne turkiga Wada hadalka somaliland iyo somaliya isaga oo sheegay inuu turkigu Caawimada u badiyo dalka somaliya,Balse somaliland waxa uu sheegay inaanay ku noqonayn riyadii Fashilantay ee somali wayn. Madaxwaynaha somaliland Cali Yuusuf Axmed Waxa uu ku sifeeyay Madaxwayne U taagan inuu Horumariyo Qadiyada somaliland iyo sidii Xamaanta ay u kala Kuran Lahayeen Dawlada somaliya iyo Somaliland,urur Goboleedka Igadna waxa uu ku tilmaamay Qaar ka Soo Horjeeda Horumarka Somaliland. Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee aqalka Golaha wakiilada somaliland Cali Yuusuf Axmed Ayaa sidaas ku sheegay Mar uu maanta u waramayay warbaahinta Madaxa Banaan ee somaliland waxaana uu yidhi. “Hortu dawlada Waliba Xor ayay u tahay Cida ay wax siinayso Somaliyana Hanoqotee Waanu u hanaynaynaa,Lakiin wax iska badalay wada hadalkii u socday somaliland iyo somaliya Majiraan inagu halkii Aynu ku goosanay ayaynu wali taaganahay,qadiyadeenuna Maaha in aynu Somaliya ku biirno Lakiin waxa weeyaan in aynu Goosano,dalalka kala Go’a Faa’ido ayaa ku jirta somaliland ayaa markii hore doonaysay in ay la Midoobaan Shantii Soamliyeed Lakiin Taas Markii lawaayay Somaliland Xorimadii ay Xamar Gaysay way kala Soo noqotay Aqoonsina Way doonaysaa. Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada somaliland Cali Yuusuf Axmed Oo Hadalkiis Siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay. “imika Hadii ay somaliya ina aqoonsato waxa aynu waayaynaa Majirto imika Qaramada Midoobay labadeenuba Cod Ayaynu ku yeelanaynaa oo laba dawladood oo somali ah ayaa aynu nahay Markaas wax inoo biro mooyaane waxba inaga Xumaan Mayaan,Imika Tusaale ahaa Dawladaha Carabta oo kalaa Marka Sucuudiga laga reebo inta Kale Hadii la isku geeyo Somaliland ayaa ka badan hadana mid kasta dhinaceeda ayay dawlada u tahay Markaas Waxaan leeyahay Somaliya Waxaanu nahay laba dawladood oo jaar ah. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Sida uu turkigu dhex uga Noqon Karo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya Madaama oo uu Markasta sheego inaanay Somaliyi Kala Go’ayn waxaana uu Guddoomiye sheegay isaga oo ka hadlaya. “Turkigu waa dawlada wayn waana Dawlada islaam Ah inaga wax yar ayuu inoo qabtay dawlada somaliyana Mashruucyo badan ayaa uu ka Hir Galiyay,Markaas Marka uu leeyahay Somaliya Cilaqeed dheer ayaa Naga Dhaxeeya Somaliya Kama dhaxeeyaan ee Guryihiisii waxa ay ku yaaliin Berbera markaas Somaliland ayaa uu ka dhaxeeyaa,Lakiin Xamar meel asaartii turkigu kaga Yaaliin Majirto. waxa uu intaas raaciyay”.Turkigu hadii uu doono Yaanu Dhex-dhexaadba ka Noqon Inaga Somaliland ahaan waanu Goosanay inta Qof inaga Nool yahayna Dawlada Jirta ayaynu noqonaynaa,Cid kasta hayna Dhexdhexaadiso lakiin Cid somaliya inagu daraysa Haba yaratee Majirto. Waxa uu sidoo kale sheegay wada hadalka u dhaxeeya Somaliland iyo dawlada somaliya inaanu jirin nin kaga habooni Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku sifeeyay Madaxwayne Aftahan Ah qadiyada Somaliland Ka dhicin Kara Somliya,Ururu Goboleedka Igadna waxa uu u soo jeediyay inaanay Xaasidin Horumarka ay Somaliland ku Talaabsatay. “Madaxwaynah Somalilnd Aqoon Dheer oo siyaado ah ayuu u leeyahay Dhinaca Siyaasada,Barigii Hore Lama odhan Jirin Somaliland iyo somaliya ayaa wada hadlaya maanta lakiin Somaliland iyo somaliya ayaa loowada hadlaa,Markaas arinta wada hadalku meeshii ugu Fiicnayd ayay Maraysaa Waxaas oo dhan waxa Jeexay Madaxwaynaha somaliland. Xukuumada somaliland waxa uu ku sifeeyay Mid Horumar Badan ku talaabsatay isaga oo sheegay inuu Wax qabadkaasna Hogaaminayo Madxwaynaha somaliland iyo Shacabka Dalka oo isku tashaday Dan Kaliyana wada leh.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|