|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Baashe Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu Ugasoo Baxay Madashii Buuhoodle ee Lagu Caleemo saarayey Garaadka,
January 19, 2015 - Written by Editor:Hargaysa:(Wajaalenews)Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Wakiillada Somalilad Baashe Maxamed Faarax ayaa ka Hadlay sababaha keenay inuu dibadda uga soo baxo madashii Buuhoodle ee dhawaan lagu caleemo saarayey Garaadka Deegaankaas kasoo jeeda oo isaga iyo Wufuud kale oo somaliland ka socday ay tageen. Guddoomiye Baashe oo maanta saxaafaddu arrintaas wax ka weydiisay, ayaa sheegay inuu uga soo baxay sababo la xidhiidha Calankii soomaalia oo goobtaas laga taagay, taas oo uu ku sheegay mid aanu usii joogi Karin. “Sidaad wada Ogtihiin waxa lacaleemo saarayay Garaad ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodleh,Aniga oo hogaaminaya wafti ka socda Jamuuriyada somaliland kana Mid yahay Wasiirka Caafimaad,Wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo wasiirka Hawlaha Guud ayaa gaadhnay Goobta waxaanan Halkan Mahad Naqa Uga dirayaa dadka deegaanka oo siwanaagsan noo soo dhaweeyay, Goobtaanu tagnay ee Suldaanka Lagu Caleemo saarayo May ahayn Meel Siyaasadeed ee waxa ay ahayd Meel dhaqan waxaana iskugu Yimid Dad kala Duwan oo kala Afkaarna Ah,Waxaana ay ahayd Markii iigu horaysay ee aan tago Buuhoodle intaan Siyaasada ku jiray,waxaanan soo arkay dad iyagu isku tashaday oo dantooda ka shaqaynaya.” Ayuu yidhi Guddoomiye Baashe. Guddoomiye Baashe oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo in deegaa cudud lagu qabto, waxana uu hoosta ka xariiqay in si nabad ah halkaas xukuumaddu ku gaadho, waxana uu yidhi, “Buuhoodleh in Dagaal Lagu Tago Anagu Ma ogolin,Lakiin Laas-caanood Dawlada ayaa joogtay oo Ciidanku ka saarayay,waxaanu Lakiin doonaynaa in siyaasad iyo wax qabad Xukuumadu Ugu tagto Reer Buuhoodleh,Dagaalna wax laga faa’idayo Majiraan.” Waxa uu Guddoomiye Baashe sharraxay sababta keentay inuu meeshaas iskaga soo huleelo kahor intii aanay xafladdu dhamaanin, taas oo uu u nisbeeyey astaanta Somalia oo halkaas laga qotomiyey, waxana uu yidhi, “Caleemo saarkii Markii uu dhamaaday Ayaa madashii lagag hadlayay waxa lasoo dhigay Astaanka Calanka Somaliya ayaa lagu sharaxay,Intii Aan hadalka Laysiin Ayaan ku idhi Calanka Somaliya Madasha Halaga Qaado Ama Calamada Kale Hala Soo Dhigo Madaama uu dhaqan yahay Shirka Meesha ka Socdaa,Anigu Qaranka Ayaan u dhaartay Calanka Somaliland Ayaan u dhaartay,Markasta meel uu calanka Somaliya Yaalo Ma dhex fadhiisanayo Waligay.” Guddoomiye Baashe oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Hadii uu calanka Somalia Hoos fadhiisanayo oo beri hore xamar tegi lahaa, waxana uu yidhi,
”Hadii Aan Calan Somaliya Ah Doonayo Maan tago Somaliya,Markaas Jaraa’idka qaar oo aan u han Waynaa Ayaa yidhi Madashii ayuu ka Soo Cararay Guddoomiyahu,Aniguna Dhaar Ayaan Maray Calankana waan u dhaartay,waxaan idin leeyahay Calan Aan Somaliland Ahayn oon Hordhafiisanayo Oo Aan kaas Somaliland Ahayn Majiraayo. Related posts:Khabiir U Dhalatay Dalka Masar Oo Soo Bandhigtay Guulaha Siyaasadeed Ee Ay Somaliland Ku Soo Kordhis... Shir U Dhexeeyay Madaxda Baanka Aduunka Iyo Mas'uuliyiinta katirsan xukuumada Somaliland Oo La Soo G... Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Gaadhi Dab-damis Ah Ku Wareejiyay Ciidanka Dab-damiska Jsl. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|