Gudoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Arrinta Suldaan Wabar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Arrinta Suldaan Wabar.
January 18, 2015 - Written by Wariye:

saleebanHargeysa(Wajaalenews):-Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo markii u horaysay ka hadlay arrinta Suldaan Wabar-ka galay Buuraha Gobolka Awdal ayaa sheegay inaanay halkaasi kaga daba tagayn Suldaan falaagoobay.

Golaha Guurtida ayaa muddooyinkii u dambeeyay lagu dhaliilayay inay ka gaabiyeen doorkooda xallinta arrimaha amaanka ee dhaqanka la xidhiidha balse Gudoomiye Saleebana ayaa arrintaasi golaha ka difaacay “Annagu hawlahayaga kama baaqsanee, Suldaan Irdhoobay  oo fidnoomay dee anagu waxaanu nidhaahno garan mayno, Aydana kaga dabatagi mayno” ayuu yidhi Gudoomiye Saleeban.

Gudoomiyaha Guurtidu waxa uu xallinta arrinta Awdal muddooyinkii u dambeeyay ka taagan ku riixay reer Awdal oo uu sheegay inay ku filan yihiin “Reer Awdal iyagaaba ku filan, dalkuna cidna fawdo ugama baahna, Nin Suldaan sheeganayana hadalkiisaba daa, dee Illaahay ha inoo soo hadeeyo”

Suldaanka Buuraha galay ee Somaliland ka soo horjeestay ayaa wali ku jira inta u dhexaysa Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia ee ku beegan Gobolka Awdal. Wada hadalo la sheegay in hogaanka dhaqanka iyo Suldaanku yeelan jireen ayaan waxba iska bedelin, ,iyadoo sidoo kalena tabashada Awdal wali halkeedii taagan tahay.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS