|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudida Dabagalka Hantida Qaranka iyo Gudoomiyahooda Xildh. Obama waan Hambalyaynaynaa + MAANSO
January 12, 2015 - Written by Editor:Guddida dabagalka Hantida qaranka ee Golaha wakiilada Somaliland iyo Gudoomiyohooda da’da yar ee aqoonyahanka ah Mudane Maxamed Cali Xirsi(Obama) waxay bulshada u soo bandhigeen si daacada halka ay wax ka kharibmeen waanan ku hambalyaynayaa. Gudoomiye Maxamed Cali Xirsi (Obama) wuxuu muujiyay dedaal iyo firfircooni badan oo ay ka muuqato kalsooni dheeraad ah, waxa uu nidaamka dawladnimo iyo wadashaqaynta haayadaha qaranka Casharkeeda u dhigayaa boqolaal siyaasada uga soo horeeyey, waxa uu Banyaalnimada maamul wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa tusayaa dawlad xadhkaha goosatay oo haday siday tahay uga faaidaystaan u noqonaysa isa sixid iyo ku dhiiranaan nidaam bilaa wax isdaba marin ah oo qaranku isagoo isku duuban uu Gaadho. Waxaynu ogayn oo warbaahinta badideenu kala soconay sidii quruxda badnayd ee warbixinta dheer ee aanay weli Baarlamaanku samayn ugu soo bandhigay sida ay gobolada dalku uga madhan yihiin miisaaniyada boqolaalka milyan ee dolar ah ee maalin walba sii korodha iyo Hanti-dhawraha hurda ee aan weli la arag cid uu u qabtay musuqmasuq iyo cadaymo uu u soo bandhigay. Sida ay gudidaasi sheegtayna aan maalin qudha u soo gudbinin warbixinihii looga baahnaa taasina ay ku tusayso musuqmaasuqa baahay ee aanu weli waxba ka qaban. Waxay ahayd madaxweynuhu inuu bedelo ninkaa Odayga ah ee may ahayn inuu Xildhibaanada Dhaameelka u adeegsado meel marinta xisaab-xidho dabo ilaa dacal wada qaldan si loo xisaabiyaana aaanay jirin. Guddida Dabagalka iyo Gudoomiyaheedaba waxaanu leenahay shacabku wuu arkayaa inaad ka soo dhalaasheen waajibkii idin saaraa Taariikhda Somaliland Baal dahaba ayaad kaga jirtaan halkaas dedaalka ka wada hana niyad jabina ee wada dedaalka.s
Gole Noo Damqada Oo aan guul wadayn Oo Garasho Badan Xilka loo gartayna Aan dhaafsan Gaws Miduu Gubo xilkaa Guudka loo sudhoo Guno aan la siin Geesi miiganoo Guta Waajibkaas Xaqa kama Gabade Laaluushka Guran Gedaa Ina Cali Xirsiya Musuqmaasuq Gubo Oon Garab ku siin Gadhwadeenka jira
Guulow allow Gaar noogu deeq Obama Gilgilay Oo kala Gurguray Xisaab lagu Gefiyo Kii qalad Galee Gudidaaa musuqa Gole baarlamaan Gaar ugu dirow Abaal guuna bay Gidigood bulshadu Idiin gunadayee Sii wada Guclaha Gaabiska iska jira Gobanimo aduun Ifka guri Haboon
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|