Gabiley Ka Gudooma Boogadin Kale Iyo Hambalyo Dheeraad Ah Dawlada Xirsi Ee Somaliland(Reer Gabiley Waa Oromo’) Mr Hersi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabiley Ka Gudooma Boogadin Kale Iyo Hambalyo Dheeraad Ah Dawlada Xirsi Ee Somaliland(Reer Gabiley Waa Oromo’) Mr Hersi
January 17, 2015 - Written by Editor:

Waxaa haddaba xusuus mudan in la oogaado hagardaamada iyo dhibaatada ay u gaystay dawladani reer Gabiley

Dawlada maanta dalka ka Talisa ee kulmiye ayaa lagu tilmaamaa in reer gabiley aanay u kala hadhin taageeradeeda iyo soo saarida madaxwayne silaanyo oo ay siiyeen codkii ugu badnaa ee u ka helay bulshada Somaliland bari iyo galbeedbaa.

Haddaba iyadoo ay sida la sheego ay tahay in qofku had iyo jeer dib u jaleeco taariikhda oo lagu sheego inay muraayad tahay qofku isku eego kolba xaalkiisu sida u yahay iyo inuu ku cibro qaato wixii soo maray haddii ay khalad yihiin ka waantoobo haddii u sax yahayna ku sii dhiirado ayaad moodaa arintaasi siday u dhan tahayba ka maqan tahay reer Gabiley.

Waxaa haddaba xusuus mudan in la oogaado hagardaamada iyo dhibaatada ay u gaystay dawladani reer Gabiley

haddi ay tahay ficil lagula dhaqaaqo iyo haddii aflagaadaba tahay sida aynu maqaalkan ku lafo gurin doono intiisa danbe.

Ka hor inta aanan u dhaadhicin hadaba dulucda qoraalkan waxaa qurux badan in akhristayaasha guud iyo gaar ahaan reer gabiley la xasuusiyo dhacdooyinka taxanaha ahaa ee loogu abaal gud beeshan ka soo jeeda Gabiley tan iyo maalintii ay awooda qabsatay kooxdan barbaradka ah:

1)   Ma ogtahay in reer gabiley ayay yihiin guud ahaan beesha loogu eryi badnaa haldooradoodii xilalka ka soo qabtay dawladan siiraanyo iyo caruurtiisa tan iyo intii la dhisay dawlada kulmiye.

2)    Ma ogtahay in qaab ka mid walba loo eryay ka sii fool xumaa kii ka sii horeeyay

1.1.                     General Nuux Taani waxa lagu eryay suldaan ka soo yeedhay Dila oo ku eedeeyay danbi aanu lug ku lahayn. Ogowna Nuux taani la’aantii silaanyo kursi kuma fadhaysteen

1.2.                     General jidhif isagoo guulo ka soo hooyay dagaalkii bariga ayaa la eryay isagoo aan xilkaba hayn muddo 6 bilood ah oo xirsi eryay markii ay ka soo cawdeen reer abtiyaashi oo dagaal ku hayay qaranka somalialnd

1.3.                     Mujaahid boobe oo ah lama huraan halyay ah, aqoon iyo waxgaradnimo iyo karti ilaahay ku mannasytay ayaa wiilka u sodoga u yahay siraanyo ee Morgan warqad shaqada lagaga eryayo uu ugu geeyay xafiiskiisa isagoo cid u matilayo aan la garayn laakin ku awoodaystay xidadka uu la yahay adeero siiraanyo

1.4.                    In la taliye dhan oo madaxwaynaha garab fadhiya waa wasiir abiib diiraye lagu xidho muddo dhawr cisho ahyd jeelka dhexe oo aan la xushmayn xasaanada u leeyahay iyo xilka dawlada uu ka hayo isagoo aan danbi lug aan ku lahayn lagu soo eedayay

 

1.5.                    Dr maxamad cabdillahi oo kulmiye gaadhsiiyay intii ay mucaaridka ahaayeen iyo intii dawladnimada ay qabteen maqaam ayna waligood ku riyoon ayaa lagu eryay saxaafada isagoo aan xataa warqad loo soo qorin oo islanaanta meesha ka talisaa xilkii ka qaaday markuu diiday inuu mabda’iisa iibiyo ama baayac galiyo sida quutal qaadayaasha kale ee reer gabiley. Waxaana la ogyahay maanta arimihii dibada ee Somaliland halka ay ku danbeeyeen la’aantii.

1.6.                     In had iyo jeer dawlada meesha ka jirtaa ay u xagliso reer awdal marka ay noqto is qabsiga degaaneed taas oo haba yaraatee aanay jirin wax laga qabto cabashada reer gabiley ee dhulkoodii gardarrada garabka og ay ku sheegtaan reer awdal ee waxba laga fulin go’aanadii ka soo baxay guurtida ee ah in dhulkani raacsan yahay reer gabiley.

Haddaba iyadoo intaas oo dhani jirtay oo ay wehelinayso wax qabad la’aan gobolka ka haysta dakhligiisa ka soo gala cashuurta iyo khayraadka kale, ayaa dawladan uu xirsi ka yahay madaxwaynuhu aanay intaa ku joogsan kol haddii aanay jirin cid ka hadlaysa xad gudubyadan joogtada ah ee ka soo fulaya dawladan barbaradka ah ee meesha ka jirta iyo wiilkan xilka ka haya dawlada adeerkii isagoo aan ku iman aqoon iyo khibrad dawladnimo hase ahaate lagu keen qaabka qabiil ee lagu anqariyay.

Isagoo haddaba maalin dhawayd u munaafaqadaynaya beel ay wadasheen reer gabiley ayuu isagoo ku faanaya waxqabadka dawladeed ku tilmaamay inay wax ka qabteen degaanka gabiley oo ay dawladu kaligeed dhistay wadada isku xidha kalabaydh iyo wajaale. Isagoo sanka maroorinaya wiilkan nasiibku keenay kursiga ee aan aqoon ku iman ayaa si quudhsi ku jiro ku sheegay marka oomaar laga yimaado oo boqol kun oo doolar bixiyay iyo daamuurkii ay iyagu dhiseen wadadan oo aan dhanayan dhawr iyo toban kilomitir . Si u markaa qoladan raali galintooda u helo ayuu ku tilmaamay malaha inay yihiin reer gabiley oromo looma ooyaan ah.

Ugu horrayntii iyadoo qawmiyadaha ilaahay uumay oo aan lagu kali fadli badnayn cibaado mooyaane ayaa haddana cidda qoomiyadan somaalido quudhsanayso ku tilmaamtaa inay oromo yihiin.

Waxaan ku hanbalyaynaa wasiir xirsi inuu sidaa iyo si ka sii fog ula dhaqmo reer gabiley oo ay mutaystaan iyadoo sababtu tahay:

  • Reer Gabiley oo looga taag waayay inay joojiyaan guulwadaynta ay had iyo jeer u hayaan kolba dawladii timaada
  • Iyagoo aan intaa ku joogin ee mar kaste loo isticmaalo ka horkeen ciddi mucaarid ku ah dawlada jirta ee rabta inay xaqooda soo dhicistaan oo aan yaga la mid ahayn qaar durbaanku u tuma kolba ciddii qabta.
  • Iyagoo reer gabiley aan lahayn haba yaraatee sida beelaha kale cid u hadasha oo xaqooda u soo dhicisa balse ay ku badan yihiin calooshada u shaqaystayaal u hormood ka yahay abiid timacade oo aan dantooda mooye mid beeshooda aan aqoon.
  • Iyagoo lagu tiriyo inay yihiin beesha ugu mutacalimiinta badan Somaliland haddana aqoontoodaasi inayna gaadhsiinin horumarinta ummadooda iyo in xuquuqdooda ay soo dhacsadaan sida beelaha kale ee la degan.

Gunaanadka qoraalkaygu waxa u suntayaa in haddii reer gabiley isku dhaami waayan sidan ay yihiin oo danta degaankooda iyo dadkooga meel uga soo wada jeesan waayaan oo dhalin yartooda aqoonta badan ay ka duwanaaan waayaan aabayaashood in oromo lagu sheego ayaad sheegaysaane ay dhagaheeno maqli doonaan wax afka lagala xishood.

Waxay noqotay wiilkan nasiibku keenay, isaga runtii wax lagula yaabo ma laha oo weel walba waxa ku jira ayuunbaa ka soo qubta. Waa nin qabiil in wax lagu noqdo mooyee aan aqoon gaadhsiisan inuu kaligii istaagi karo lahayn kana soo jeeda dhaqankaa qabiil ku moodka. Waa ninkaa aduunka ugu ayaanka badan ee qabiilka ay aaminsan yihin ku yimid kursigii dalka ugu sareeyay, hase ahaate aqoon darradiiso siisay adeerkii oo dalka madax ka ah oo garab fadhiya inuu xushmayn waayo oo beel iska aflagaadeeyo tan oo aan ahayn inuu adeerkii sumcada kaga dilo markii ugu horraysay ee meelo faro badan u dhagtiisa xumeeyay mar u sheego inuu caano riyaad ka sii daynayo gudoomiyaha barlamaanka iyo mar u afarlay loo soo qoray ka hor akhriyo adeerkii oo u reero ku maagayo.

Markaa afarta cisho ee u hadhay hadduu moodayo inuu ku waarayo kursigan oo hortii looga horeeyay ha iska yidhaahdo waxay aqoontiisa qaabani siiso inta la kala ogaanayo cidday oromanimadu ku danbayso ee u ku noqon doono waxay tacliintiisu markaa u jarto inkastoo haatan loo iibiyay baasaboor ingiriis ah as an overseas citizen oo yemen looga qaaday oo sidaa darteed dhawaan u ka mid noqon doono qurba joogta reer burco ee xaafada la sheegay ee whitechapel ee carrada dalka ingiriiska tuulan.

 

Khaddar bashir

Syed Bashir <syedkhadarbashir@gmail.com

COMMENTS
LINKS