Fannaanka Caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc Oo Maanta Hargeysa Ku Geeriyooday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fannaanka Caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc Oo Maanta Hargeysa Ku Geeriyooday
January 17, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Allah Ha U Naxariistee waxa maanta Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Fannaankii caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo muddo ku xanuunsanayey Gudaha Somaliland.

Maxamed Axmed Kuluc, ayaa xanuun xagga sambabada ah la tacaalayey muddo sanado ah, waxana lagu daaweyneyey Gurigiisa ooo ku yaallay Magaalada Hargeysa.

kuluc

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc ayaa ka mid ahaa Fanaaniintii Hobolada Waabari, waxaana uu Fanka ku soo biiray sanadihii 50-meeyadii.

Fanaanka ayaa suugaan kala duwan horay ugu luuqeeyay, waxaana haweenka heesaha uu la soo qaaday ka mid aheyd Allaha u naxariistee Fanaanada Magool oo ay dhowr heeso ku wada luuqeeyeen.

Sidoo kale waxa uu fannaanku heeso kala duwan la qaaday fannaaniin kale oo tiro badan oo soomaaliyeed, kuwaas oo intooda badani geeriyoodeen.

Allah Ha Naxariistee fannaanka ayaa eebe ku galladay cod hallaasi ah oo aanay jirin cid la wadaagtaa, waxana la filayaa in dhawaan lagu aaso Hargeysa.

 

COMMENTS
LINKS