FALLO: Doorashada Guddoomiyaha Sonyo Iyo Saameynta Xiisadii Siyaasadeed Ee Awdal’ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FALLO: Doorashada Guddoomiyaha Sonyo Iyo Saameynta Xiisadii Siyaasadeed Ee Awdal’
January 4, 2015 - Written by Editor:

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Wargeyska Saxafi ee Gobolka Awdal

Magaalada Boorama ayaa weli ama labadii casho ee aan soo dhaafnayba waxaa ka socda kullammo iyo xaflado lagu soo dhaweynayo guddoomiyaha dallada ururada dhallinyarada Somaliland Siyaad Cumar Cali iyo kuxigeenkiisa ka dib markii lagu doortay shirweynihii 7aad ee ururka SONYO. Siyaad Cumar oo intii aan xilka dhallinyarada dalka loo dooran hogaamin jiray ururka dhallinyarada AYODA, kana hawlgala magaalooyin badan oo ka mid ah dalka marka lagu daro caasimadda Hargeysa, ayaa doorashadiisani noqonaysaa tii ugu horreysay ee dhallinyaro ka soo jeeda gobolka Awdal loo doorto xilka meeshana ka saareysa in ururkaasi yahay mid u xidhan beelaha dhexe ee Somaliland.

Doorashada reer Awdal loo doortay hogaaminta SONYO ayaa sidoo kale saamayn ku yeelatay jawiga siyaasadeed ee waayadan dambe hadheeyey gobolada dafriyada. Guddoomiye Siyaad oo ka soo jeedda beelaha madaxweynihii hore ee dalka Daahir Rayaale iyo suldaanka Guud ee la dagaalanka Somaliland buuraha u galay Suldaan Wabar ayaa dhinaca kale dad badan oo halkan joogaa la yaabeen hadallo kasoo yeedhaya dhallinyaro kasoo jeedda xaafado ka mid ah caasimadda Hargeysa sida la sheegeyana diidan Guddoomiyaha cusub ee SONYO, lana sheegeyo inay samaysteen hogaan kale iyo SONYO kale.

Haddaba, marka dib loo raaco qabsashada hogaanka SONYO ee reer Awdal iyo Sool ayaa sida la sheegayo waxa soo dhaweeyey badi dhallinyarada ku kala nool caasimadda, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Gebilay. Balse, waxaa diidan guddoomiyaha reer Awdal sidda wararku sheegayaan dhallinyaro ka soo jeeda Bariga Hargeysa ee Suldaan Xiiray hogaamiyo dhaqmeedka u yahay iyo koonfurta Hargeysa, taliyaha ciidanka Booliska iyo wasiirka caddaladuna yihiin masuuliyiinta kaga jirta xukuumadda haatan. Iyadoo dhinaca kalena dhammaan dhallinyarada ka soo jeedda Burco, Waqooyiga Hargeysa, Berbera iyo reer Sanaagba ku taageereen xilkaasi. Markaad aragtiyada dadweynaha Boorama ka qabaan hadalada ka soo baxaya labadaa qaybood ee ka wada tirsan dadweynaha caasimadda Hargeysa, cid reer Awdal ah ama reer Boorama ahi ugama fadhiyin jawaabahaas, iyagoo arrimahaasina ku salaynaya xidhiidhka ka dhexeeyey beelahaasi iyo madaxweynihii hore ee dalka Daahir Rayaale, waxaanad ogaanaysaa inay ahaayeen badi beelaha madaxweynihii hore ee Somaliland u gacanta u geliyay maamulka dalka marka loo eego xilalka shil-shilis ee ay ka hayeen,

maxamed cumar sheikh wariye

sidoo kalena aanu weli kala furanin xidhiidhka ka dhexeeyay iyaga iyo qaybo ka mid ah dadweynah reer Boorama. Aragtiyada caynkan ah ayaa waxay ku darsanayaan In Dahir Rayaale iyo madaxweyne Siilaanyaba xilka taliska Booliska reer Awdal uga qaadeen beelaha koonfurta Hargeysa, waxaanay taa ku darsadeen in dhawaanta markii golaha wakiilladu isku dayeen inay xilka ka qaadaan Guddoomiyha Golaha wakiillada reer Awdal ahaayeen kuwii baajiyay mooshinkaasi daafacayna Guddoomiye Cirro balse dhallinyarada beelahaasi aanay fulin abaalkaa, dhinaca kalena ku farxeen tallabada ay dhallinyarad kale ee caasimadda iyo gobolada kaleba ku taageereen. Dhinaca kale magacaabista Siyaad Cali Cumar ayaa kusoo beegan tay wakhti xiisad siyaasadeed ka taagantahay gobolka Awdal ,isla markaan hogaamiye dhaqameed ka atirsan degaanka Boorama ku dhawaaqay dagaal ka dhan Somaliland sidaa darteedna magacaabista xilkani fure u noqonayo tabashooyinka reer Awdal ka sugayaan dawladda Siilaanyo ,hadiise ay dhici weydo qolyahaasina ka tanaasuli waayaan guddoomiyenimada Sonyo ee Gobolka Awdal, waxa cid kastoo taabacsan Suldaan Wabar qiil u heli doonaa baaqiisa liddiga ku ah qarannimada dalka, dhallinyaro kalena codkooda ku biiriyaan weedhaha liddiga ku ah midnimada beelaha dalka, qolonacaybka , Somaliland diidnimada iyo wax kastoo ka farxin kara cadowga Somaliland, sidaa darteedna tallaabo kasta oo guddoomiyaha SONYO loogu diido xillka loo magacaabayna u ekaan doonto taageero iyo marag fur si dadban loo siiyey Sulda.wabar,baaqiisuna Boorama ka helo jawaab waafi ah.

 

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI

COMMENTS
LINKS