Fadeexadii Ugu Weynayd Marwada Madaxweyanaha Iyo Wasiirada Waxbarashada Oo Mudo 16 Cisho ah Ay U Xidhan Yihiin Dad Muwaadiniin Oo ka Gadooday Dhul ay boobayeen .Koox Ka Tirsan Madaxtooyadu. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexadii Ugu Weynayd Marwada Madaxweyanaha Iyo Wasiirada Waxbarashada Oo Mudo 16 Cisho ah Ay U Xidhan Yihiin Dad Muwaadiniin Oo ka Gadooday Dhul ay boobayeen .Koox Ka Tirsan Madaxtooyadu.
January 7, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirada Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo Shaqadeedii Wasaarada Kaga mashquushay boobka dhulka danta guud iyo dhulka ay dagan yihiin dad danyara dhulkan ayaa kuyaala xaafada shacabka agagaarka macradka good , waxaana xabsiga ugu jira 6qof mudo 16cisho ah kuwaasi oo aan wali wax maxkamada lagaynin,

marwo samsam oo boob ku haysa dhul dad danyari dagan yihiin 3tukaanka dhidar shopmarwo samsam oo boob ku haysa dhul dad danyari dagan yihiin 2

dadka laxidh xidhay ayaa,lagu eedeeyey inay ka cadhaysii yeen Gabadh , layidhaa Muna Maxamuud Dhool dahab leh taasi oo dhul dawladu leedahay ay marwadu hore ugu wareejisay , dhulkaasi ayey ka dhigatay meherad ganacsi waxaanay damacaday dhul ku dhaw dhulkii lasiiyey ee dawlada xadhigan muwaadiniinta ayaa,dhacay ka dib markii muna dhool dahab leh oo adeegsanaysa awooda dawlada

Waxaa maalmahan fadeexadii ugu waynayd ka taagan tahay dhul ay dagan yihiin 28qoys oo dan yara

Arinta ayaa ka dhalatay damac ay dabada kariixayaa wasiirada waxbarashada iyo marwada madaxwayanaha oo iskaashanaya adeegsanaya gabadh qurba jooga oo dhul hore looga siiyay agaa

Dhawaan ayay hayd markii ay ciidamo ka amar qaadanaya madaxtooyadu xoog isku dayeen in ay ku raraan dadka danyarta ah taasi oo ay qoysaska halkaa degana kala horyimaadeen diidmo

Hadaba wasiirada iyo marwada oo adeegsanaya awooda qaranka ayaa waxay xabsiga u taxaabeen mulkiilihii TUKAANKA DHIDAR IYO dadkale oo kamida qoysaska halkaa degan,

Arinta ayaa waxaa ka dhalan kara kacdoono ay bulshadu ku diidayaan boobka hanti qaranka iyo ku tagri falka awoodaha qaranka iyadoo loo adeegsanayo dadka shicibka ah

Maaha markii u horaysay ee colka ay hormuudka u tahay marwada madaxwaynaha iyo wasiirada waxbarashadu sidan oo kale u bara kiciyaan dad danyara

Hore ayay ula waregeen dhulwayn oo ka danbeeyay iskuulka GACAN LIBAAX. ISKUULKA 31MAY IYO MEELO KALE OO BADAN DHAMAANA AY QORSHAYNAYAAN SIDII AY UGA DHISAN LAHAAYEEN MEHERADO IYAGU AY LEEYIHIIN.

sikastaba ha ahaatee waxaa laga warsugayaa talaabada uu qado madaxwayne siilaanyo

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE CABDIQAADIR HABANE

 

 

COMMENTS
LINKS