|
|||||
WAJAALE NEWS
Dood Baarlamaanka Ingiriisku Yeeshay Oo Aqoonsiga Somaliland lagaga hadlay
January 31, 2015 - Written by Editor:“Waxaan si dhab ah u aaminsanahay in laynooga baahan yahay dhegeysiga shacabka ee qadiyadda Aqoonsiga” London (Wajaalenews)- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku baaqay inay muhiim tahay dhegeysiga Dalabka shacabka Somaliland ee ku aadan madaxbanaanida dalkooda, una qalmaan in lagu taageero dedaalada ay ugu jiraan horumarka. Stephen Doughty oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Shaqaalaha oo warbixin ka jeedinayey dood baarlamaanku yeeshay Khamiistii doraad, ayaa isbarbar-dhig ku sameeyey sida dalka Ingiriisku ula macaamilo arrimaha dalalka Somaliland iyo Yemen. Mr. Doughty waxa uu ku dooday inaanu jirin doonin horumarin la gaadho haddaanay nabadgellyo jirin isla markaana ay meesha ka bixi doonaan dedaallada xukuumadda Raywasal-wasaare David Cameroon iyo tii ka horeysya ka gaysteen horumarinka waddamo uu tusaale ugu soo qaatay dalka Yemen oo xilligan qarka u saaran dagaal-sokeeye. “Taa cakiskeedu (xaaladda Yemen) waxay ka dhacaysaa Somaliland oo dhiirigelinaysa horumarka, nidaamka dimoqraadiyada iyo dedaalada ay kaga hortagayso in argagxisada Shabaab, oo waxbadan ka faa’iideen bulshadeedu,” ayuu Xildhibaanku ku sheegay doodda uu ka dhiibanay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska. Xildhibaan Doughty ayaa sheegay inay isweydiin mudan tahay aqoonsiga Somaliland, loona baahan yahay baarlamaan ahaan inay dhegeystaan rabitaanka shacabka. “Waxa jira su’aal muhiim ah oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland. Waxaan si dhab ah u aaminsanahay in laynooga baahan yahay dhegeysiga shacabka ee ku aadan qadiyada aqoonsiga. Waana tusaale muujinaya sida horumarku muhiim u yahay, iyo sababta loo baahan yahay inaan sii wado arrimahaa, maadama ay yihiin ubucda horumar sii socda,” ayuu yidhi Xildhibaanku.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|