Dhagixii Bislaanwaa…..(Q.1aad)Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhagixii Bislaanwaa…..(Q.1aad)Muj Cali Guray
January 20, 2015 - Written by Editor:

In kastoo dhir yaabliyo

Dhamac xoogle lagu shiday

Ma dhadhaab bislaadoo

Sida dhaylo suulkiyo

Lagu goosto dhooshoo

HILIB LAGA DHISHAA JIRA?

Wafti xukuumadda ah oo aanu Madaxwaynaha laftiisu hogaaminayn oo maray inta uu Madaxwaynuhu maray may jiro. Intay odayga ku kelifayaan dhagax dhig been been iyo sasabo iyo isku dayasho ah waxay ahayd inay iyagu ka furtaan oo Madaxwaynuhu hadii uu dhagax dhigayo waxay ahayd in uu dhagax dhigo mashruuc muhiim ah oo markaa dhismihiisa la bilaabayo oo keliya. Dhagax dhiggu marka keliya uu macno sameeyaa waa marka mashruuc muhiim ah dhagaxa ugu horeeya la dhigayo.

Bar caafimaad oo cusub oo hal qol ah dhagax dhigiisa hadii ay ka maarmi waayeen waxa ku haboon Gudoomiye Degmo haduu ugu sareeyana Gudoomiye Gobolka ama xataa Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka. Dugsi hoose oo laba fasal ah ama rug Bilays oo yar maaha in lala sugo in Madaxwayne dhagax dhigo, sidoo kale wado aan wax qorshe ah lahayn dhismaheedana goor la bilaabi doono iyo cid bilaabi doonta aan midna la garanayn in Madaxwaynuhu dhagax dhigaa ma qurux badanna ama waaba qalad oo madaxwaynaha laftiisa ayay ahayd in aanu ogolaanin. Hawlmaalmeedkii madaxwaynaha waxa laga dhigay wax wayd ah oo gebigiisiiba waxa lagu mashquuliyay inagana war la inooga dhigaa ee soo raaca dhagax dhig iyo xadhig jaris ee kalena waa Madaxwaynihii oo shahaado sharaf la siinayo ama xaflad ka qayb galay oo shahaadado bixinaya ama wafti shisheeye ah xafiiskiisii ku qaabilay. Muddo afar sanadood ka badan lama arag ama aad bay u yar tahay inta aynu aragnay madaxwaynaha oo la kulmay ama la tashaday cid aan ahayn inta ku xeeran ee silcisay odayga ee ka ilaalisa in uu la kulmo mucaaridkiisa ay danta iyo taladuba ka dhexayso ama xataa aqoon yahayn iyo wax garad kale oo hadii uu la tashado wax badan ku biirin lahaa.

Marka aynu intaas oo dhan wada ognahay is waydiintu waxay tahay maxay uga jeedaan dadkan Madaxwaynaha ku mushquulinaya ee shaqada uga dhiga wax aan raandhays lahayn dadkana ku jaho wareeriya ee war uga dhiga dhagax meel la iska dhigay oon wax macno ah samayn karin? Sababaha marka aynu runta ka sheegno waxa kow ka ah kooxda talada madaxtooyada iyo madaxwaynaha laftiisaba gacanta ku haysa oo aan iyaguna waxba garanaynin daacad nimaduna ku yar tahay cid wax garanaysa oo daacad ahna aan ogolayn in ay odayga ka soo ag dhawaato, waayo danahooda gaarka ah ey ama ay wada leeyihiin ama kala leeyihiin ayaa kala muhiimsan danta guud ee la wada leeyahay iyo gaar ahaan danta shakhsi ahaan madaxwaynaha laftiisa oo ah inuu ka tago wax macno leh oo lagu xasuusto, taas oo aanay casaabadu u ogolayn.

COMMENTS
LINKS